Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Xiliga Loo Qabtay Doorashada in lagu soo Gabgabeeyo uu umuuqata inaysan kusoo...

Xiliga Loo Qabtay Doorashada in lagu soo Gabgabeeyo uu umuuqata inaysan kusoo Gabgaboobeen(ogoow Sababta)

0

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo xulafadiisa oo uu kamid yahay La-taliyihiisa Fahad Yaasiin ayaa maalmihii dambe qalaalase doorasho ka bilaabay magaalooyinka Garbahaarey iyo Beledweyne.

Labadaan magaalo oo ah deegaan doorashada 2-aad ee maamulada Jubbaland iyo HirShabelle ayaa waxaa xiligaan ka taagan xiisad adag, ayada oo hakad ku jirto doorashadii kuraastii taalay labadaas deegaan, midaasi oo horseed u tahay xulafada Farmaajo-Fahad.

Maamulka Garbahaarey ee taabacsan Villa Somalia ayaa gebi ahaanba diiday in halkaas tagaan guddigii uu Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay qiimeynta Garbahaarey.

Go’aanka loogu diiday guddiga inay ka dagaan Garbahaarey ayaa waxaa ka dambeeya xulafada Farmaajo-Fahada oo rabta inay siday rabto u maamulato kuraasta halkaas taalla.

Sidoo kale, magaalada Beledweyne ayaa waxaa la hakiyay doorashada 11 kursi oo ku harsanaa, kadib markii uu khilaaf hanaanka doorashada uu ka dhex qarxay madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, waxaana wehlisa xiisad amni oo ka taagan magaaladaas.

Xogaha laga helayo arrintaan ayaa sheegaya in Yuusuf Dabageed uu si weyn ugu xiran yahay Farmaajo iyo Fahad, islamarkaana uu doonayo in uu inta badan kuraasta loo xiro xubnaha ay wataan, sida hore u dhacday, taasi oo lasoo warinayo in uu ka horyimid Cali Guudlaawe.

Xiisada Beledweyne ayaa laga cabsi qabaa inay isku badasho dagaal, haddii la isku dayo in la boobo kuraasta sida adag la isugu hayo, maadama ay halkaas ku sugan yihiin Musharaxiin aad uga soo horjeeda oo qaarkood ay hubeysan yihiin.

Si kastaba, Damaca xulafada Farmaajo-Fahad ayaa u muuqda mid markale doorashada ku keenaya dib-u-dhac kale, maadama qalaalase doorasho ka wadaan labada maamul ee kuraasta u badan weli ku dhiman yihiin.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleCabdullaahi Goodax Bare oo ka Hadlay Khilaafka Soo kala Dhexgalay Dabageed iyo Guudlaawe
Next articleMaamulka Garbahaareey oo wali Diidan Tagista Gudigii Rooble Magaabacay iyo AMISOM oo Soo Faragalisay