Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya is hortaag maanta lagu sameeyay Xildhibaan Cabdullahi Aadan Axmed (Black) oo ka tirsan Golaha Shacabka, isla-markaana kusii jeeday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
Xildhibaanka oo deegaan ahaan kasoo jeedo Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu warramayaa in laga reebay maydka diyaarad sidday marxuum ganacsade Maxamed Xasan Yuusuf (Maad Laamey) oo loo waday magaalada Baydhabo, si aas loogu sameeyo halkaasi.
Cabdullahi Black oo ay qaraabo yihiin marxuumka ayaa la sheegay in loo diiday inuu ka dago garoonka Shaati Gaduud, kadibna uu sidaas uga haray maydka uu la socday.
Black ayaa kamid ah xildhibaanada sida weyn uga soo horjeedo madaxweyne Laftagareen, wuxuuna qayb ka yahay xubnaha dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ka wada Muqdisho.
“Waan cambaareynaayaa in Xildhibaan Abdulahi Adan Black oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, loo diido inuu tago Baydhabo, isasoo lasocdey Meydka ganacsade ay qaraabo ahaayeen” ayuu ku yiro qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay Ilyaas Cali Xasan.
Si kastaba, Arrinta ayaa faraha kasii baxaysa, ayada oo mucaaradka loo diiday inay tegaan Baydhaba, kadib go’aanno culus oo ka soo baxay maamul goboleedka Koonfur Galbeed.