Home Wararka Somaliya Somaliland Xildhibaano cusub oo Ka Mid Noqonaaya Golaha Shacabka Oo goordhow La Doortay(Sawiro)

Xildhibaano cusub oo Ka Mid Noqonaaya Golaha Shacabka Oo goordhow La Doortay(Sawiro)

0

Waxaa saakay magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada labo kursi oo kamid ah kuraasta gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana doorashadan kusoo baxay labo Xildhibaan oo horey loogu xiray.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP#243 waxaa ku guuleesatay Samsam Muxumed Cumar oo qaan gacan taag ah loogu codeeyay ,kaddib markii doorashada ka tanaasushay musharaxii malxiiska u aheyd Dallays Cali ibraahim .

Waxaa sidoo kale kusoo baxay kursiga tirsigiisu yahay HOP#206 Mudane Maxamed ibraahim Cabdi , waxaana tartanka kursigan ka tanaasushay gabar uu musharaxan soo qortay oo lagu magacaabo Maryam ibraahim Cabdulaahi.

Doorashada kuraadsta gobolada Waqooyi ayaa inta badan ahaa kuwa aan lagu tartamin oo la isku tanaasulay, waxaana doorashada sanadkan ka socota Soomaaliya noqotay tii ugu musuqmaasuqa badneed oo doorashada loo xiray dad si gaar ah loo watay.

Ad
Previous articleJadwalka Todobo Kursi oo Ka Mid Noqon Doona Golaha Shacabka oo La Shaaciyay Xili waqtiga Doorashada 4 maalin ka Hartay
Next articleShirkadii Dp-world oo laga Wareejiayay Gabi ahaanba Dekada Bosaaso iyo Deni oo Ka Hadlay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here