Home Wararka Maanta Xildhibaano Badan oo Qaab Cajiib ah Lagu Geeyey Teendhada Afisyooni

Xildhibaano Badan oo Qaab Cajiib ah Lagu Geeyey Teendhada Afisyooni

0

Waxaa ugu dambeyn Teendhada Afisyoone gaaray tiradii ugu badneyd ee xildhibaanada Golaha shacabka kadib saacado lagu xayiray jidadka laga soo galo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Arrinta ugu yaabka badan ayaa ah in xildhibaanada qaar ay sameeyeen kaarto cajiib ah oo xildhibaanada lagu soo gudbinayey si ay usoo gaaraan Teendhada Afisyoone oo la filayo inay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo kamid ah xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka oo watay gawaarida dagaalka iyo ciidan tiro badan ayaa gudbiyey illaa 30 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka kuwaas oo loo diiday inay galaan gudaha Xerada Xalane.

Xaadoole oo adeegsanayo ciidankiisa ayaa gudaha u gudbiyey xildhibaanadaan, waxaana sidoo kale jiro xildhibaano kale oo ilaalo hubeysan watay oo soo gudbiyey xildhibaano kuwaas oo awood u sheegtay ciidamadii Booliska ee diidanaa in gudaha loo gudbo.

Dhabaatada ugu weyn ee xildhibaanada qaar ay wajahayeen ayaa waxaa kamid ah inaysan heysan ilaali iyo gawaari ay soo raacaan, waxayna xildhibanadaas u badan yihiin kuwa cusub ee kusoo biiray Baarlamaanka 11-aad.

Teendhada Afisyoone ayaa hadda waxaa ku sugan ku dhawaad 150 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana la sugayaa xildhibaano kale oo Hoteelo ku xayirnaa kuwaas oo hadda loo ogolaaday inay soo baxaan, waxayna xildhibaanada Hoteelada lagu xayiran u badan yihiin kuwa kasoo jeedo Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka iyo xildhibaanada ku sugan gudaha Teendhadada Afisyoone ayaa go’aan ku gaaray in doorashada guddoonka aysan dhaafin Maanta, waxaana laga yaabaa inay gaarto illaa caawa Saq Dhexe.

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleBooliska Sweden oo diiday Codsiga Rasmus Paludan ee Örebro iyo Trollhättan
Next articleDeg Deg: Go,aan Adag oo Dhabancad Ka Qaatay 16kii Kursi ee Ceelwaaq iyo Kuwii Garbahaareey