Home Wararka Caalamka Booliska Sweden oo diiday Codsiga Rasmus Paludan ee Örebro iyo Trollhättan

Booliska Sweden oo diiday Codsiga Rasmus Paludan ee Örebro iyo Trollhättan

0

Bilayska Sweden ayaa diiday codsigii garabka midig ee Rasmus Paludan ee ahaa ogolaanshaha in uu si fagaare ah uu Banaan-bax ugu qabto Trollhättan. Bilayska Bergslagen ayaa sidoo kale diiday codsi la mid ah oo ka dhici lahaa Örebro.

Booliiska ayaa go’aankooda ku sababeeyay in codsiga Paludan uu goor dambe yimid.

Madaxa xisbiga midig-fog ee Stram-Kurch ayaa codsaday ogolaansho waxa uu ugu yeeray ” isu soo bax doorasho” oo ka dhacay magaalooyinka Orebro iyo Trollhättan sabtida soo socota.

Codsiga waxaa ka mid ahaa isu soo bax ka dhacay Vivalla oo ah isla deegaanka ay rabshado ka dhaceen Örebro todobaadkii hore.

“Boolisku waxay ogaadaan in ay jirto waqti yar oo lagu sameeyo baaritaan nidaamka iyo amniga lagama maarmaanka u ah ,” Bilayska degmada Galbeedka ayaa ku yiri jawaabta codsiga.

Booliiska laftooda ayaa diiday codsi ah in isu soo bax lagu qabto Porås, kaasoo Paludan uu racfaan ka qaatay, balse boolisku mawqifkooda ayay qabteen, waxaana hadda kiisku gaaray maxkamada maamulka.

Baluudan waxaad mooddaa in hadda uu istiraatijiyaddiisii ​​wax ka beddelay, haddana uu codsigaas ku sheegay in uu yahay musharax xildhibaan oo uu ka hadli doono siyaasadda xisbigiisa. Isagoo codsiyadiisii ​​hore ku sheegay inuu gubayo kitaabka Quraanka ah.

Ololaha ninkan ayaa todobaadkii hore sababay mudaaharaadyo waaweyn oo isu beddelay rabshado ka dhan ah booliska iyo hantida dadweynaha oo ka dhacay magaalooyin badan oo Sweden ah

Ad
Previous articleWararka ugu danbeeyay qabsoomida doorashada guddoonka golaha shacabka
Next articleXildhibaano Badan oo Qaab Cajiib ah Lagu Geeyey Teendhada Afisyooni

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here