Home Wararka Maanta Xildhibaano Badan oo Dhawaan Qaatay Shahaadooyinka oo Dib ugu laabtay Maamuladoodii

Xildhibaano Badan oo Dhawaan Qaatay Shahaadooyinka oo Dib ugu laabtay Maamuladoodii

0

Dhowr Cisho ayaa ka dhiman waqtigii loo qorsheeyey in la dhaariyo xildhibaanada Laba Aqal ee Baarlmaanka Soomaaliya, jadwalkaan waxaa horey usoo saaray guddiga doorashada ee FEIT.

Xildhibaanadii is-diiwaan geliyey ayaa waxaa qaar dib u ceshaday maamuladii ay ka yimaadeen, gaar ahaan kuwii ka socday Puntland iyo Jubaland, halka Koonfur Galbeed ay weli diidan tahay inay raacdo jadwalkaan oo xubnaheeda ay shahaadada qaataan.

Guddi xal doon ah oo uu hoggaaminayo Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Baydhaba u tagay wada-hadallo ay la qaadanayaan hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kaasi oo si weyn u diidan sida ay shaqada ku wadaan guddiga FEIT iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Tiro xildhibaano ah oo ku filan inuu baarlamaanka fadhiisto ayaa qaadatay shahaadada, laakiin waxaa hadda xoogeysatay doodda sheegeysa inaan dhaarin loo dhaqaaqi karin iyadoo uu maqan yahay maamulkii ugu kuraasta badnaa dalka.

In Koonfur Galbeed laga socdo inta taageersan waa sii yaraaneysaa hadda, muddada lagu xalin karo tabashadoodana lama yaqaano, taasoo shaki gelineysa in 14-ka bishaan la mari karo dhaarinta xildhibaanada.

Dhowr caqabadood oo aan weli natiijadooda la aqoon ayaa taagan, Koonfur Galbeed waa mid kamid ah caqabadahaa, waxayna ka tagistooda dhaawaceysaa heshiiska ay ku dhisan tahay dowladnimada Soomaaliya.

In la xaliyo Koonfur Galbeed waxay ku xiran tahay sida loo maareeyo kuraasta looga dhagay. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo guddiga FEIT waxay heystaan fursad ay xalka ku caawin karaan si gunaanadka doorashada loo aado.

 

 

Xildhibaanada dib ugu laabtay deegaanadii laga soo doortay iyaduna waa caqabad kale. Puntland iyo Jubaland iyo badi Xamar ka saaray xildhibaanadii ay soo direen ee shahaadada qaatay.

Ad
Previous articleWar Cusub oo Kasoo Kordhay Dacwadii Fahad yaasiin Ugudbiyay Maxkamada Sare
Next articleDeg Deg: Dagaal goordhow Ka Dhacay Wadada Xariisa Guriceel iyo Matabaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here