Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Xildhibaanno ka Tirsan Dowlada Soomaaliya oo booqday Bakool kadib dagaalkii Shabaab iyo...

Xildhibaanno ka Tirsan Dowlada Soomaaliya oo booqday Bakool kadib dagaalkii Shabaab iyo Liyuu booliska

0

Wafdi xildhibaanno ah oo ka tirsan labada Aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ka dib markii uu dagaal ka dhacay magaalooyinka Yeed iyo Aato oo ka tirsan gobolkaas kuwaas oo sababay in dad badan ay halkaas ku barakacaan.

Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo kamid ah xildhibaannada Ceelbarde tagay ayaa BBC u sheegay inay doonayaan inay u kuur galaan xaaladda iyo sida gargaar lagu gaarsiin lahaa shacabka ka barakacay dagaalka.

Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay dileen in ka badan 100 xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab, kadib howlgalo saddex maalmood ka socday gudaha gobolkaasi.

Arrintan ayaa timid ka dib markii Al-shabaab ay Arbacadii sheegatay in ugu yaraan 87 ka tirsan ciidamada gaarka ah ee gobolka ee loo yaqaan Liyu Boolis ka dib weerar naadir ah oo ka dhacay xadka dheer ee Itoobiya.

Ad
Previous articleKenya oo Mudo kadib maanta bilaabeyso Duulimaadyada qaadka ee Soomaaliya
Next articleAlshabaab oo ka gudbay xadka Gobolka Hiiraan Gudahana ugalay Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here