Xildhibaamada cusub ee baarlamaanka maamulka Puntland ayaa goordhow la dhaariyay kadib munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe.
Xildhibaannada cusub oo saaka uun la shaaciyay ayaa hadda kulankoodii ugu horreeyay yeeshay, waxayna doorteen guddoomiye KMG ah, waxaana loo doortay Xasan Cabdalla Xasan oo ah ninka ugu da’da weyn, kaas oo horay usoo noqday duqii Boosaaso.
Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo weli dood xoogan ay ka taagan tahay liiska xildhiibaannada cusub oo ka kooban 66 mudane, waxaana ku jira 17-ka ka imaanaya deegaannada SSC-Khaatuma.
Dhanka kale, Guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka Isxaaq Axmed Xasan oo saaka shir jaraa’idu u qabtay warbaahinta ayaa ka horyijmid liiska la shaaciyay ee xildhibaannada cusub ee baarlamaanka maamulkaasi.
“Madaxtooyadu liis-bey soo diyaarsatay waxaa nala tusay liis aan la garaneyn liiskaas 70% ma ahayn xittaa dad soo maray habraacii saxda ahaa ee guddiga” ayuu yiri Isxaaq.
Si kastaba, tallaabadan ayaa uga sii dareysa muranka haatan ka taagan doorashada Puntland, maadaama ay dhankooda horay tallaabadan uga digeen mucaaradka iyo Isimada dhaqanka Puntland oo iyagu soo jeediyay in doorashada lagu galo 49 xildhibaan.