Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey 46 ka tirsanaa Al-Shabaab oo hal goob lagu laayay...

Wararkii Ugu Danbeeyey 46 ka tirsanaa Al-Shabaab oo hal goob lagu laayay koonfurta Gobalka Mudug

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe duqeymo xoogan ay ka dhaceen koonfurta gobolkaasi, gaar ahaan halka loo yaqaano Jeex-jeex oo ay ku sugan yihiin xubnaha kooxda Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Macawiisleyda ayaa faah-faahin ka bixiyay weerarkaasi dhanka cirka ah, wuxuuna sheegay in lagu qaaday xubno Shabaab ah oo ku sugnaa halkaasi.

“Howlgalku wuxuu ka dhacay meel ay Khawaarijta isku uruursanaayeen, laakiin ciidamadu aysan u dhoweyn markaas oo ku taal koonfurta deegaanka Jeex-jeex” ayuu yiri sarkaalka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Wuxuu ahaa howlgalka mid cirka ah oo kaliya, waxaana iska kaashaday dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah”.

Ugu yaraan 46 kamid ahaa xubnihii ku sugnaa saldhigga la duqeeyay ayuu sheegay in lagu dilay halkaasi, sida uu hadalka u dhigay.

“Khasaare aad u baahsan ayaa gaaray kooxda, sida naloo xaqiijiyay illaa 46 kamid ahaa Khawaarijta ayaa meeshaas ku naf waayey” ayuu yiri sarkaalka Macawiisleyda ah.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in la burburiyay saldhiggii ay isku uruursanayeen xubnaha Al-Shabaab, kaas oo uu tilmaamay inay ka difaacayeen deegaanka Jeex-jeex.

“Goobta waxa ay ahayd saldhig kooxda Khawaarijta ka difaaceysay Jeex-jeex hadda kuma sugna ciidamada dowladda, weli waxaa jooga Khawaarijta” ayuu mar kale yiri sarkaalka.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada huwanta.

Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo dhul ballaaran looga qabsaday kooxda Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada maamulka Galmudug.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Liiska xildhibaanada cusub ee Puntland oo la shaaciyay
Next articleXildhibaannada cusub ee Puntland oo la dhaariyay, kadibna guddoon doortay Xili khilaaf adag Taaganyahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here