Home Wararka Maanta Xildhibaanada federaalka ku Matala Koonfurgalbeed oo Shaaciyay wixii ay laftagareen kala Hadleen

Xildhibaanada federaalka ku Matala Koonfurgalbeed oo Shaaciyay wixii ay laftagareen kala Hadleen

0

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Koonfur Galbeed ayaa war ka soo saaray kulan seddax maalmood qaatay oo Maxaxweyne Laftagareen ay Baydhaba kula yeesheen.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ka wadahadleen seddax qodob oo kala ah:

1- Xaaladda El-nino oo saameyn culus ku yeelatay deegaanada Koonfur Galbeed, taas oo sababtay fatahaad iyo barakac culus, waxayna madaxdu gorfeeyeen sidii gurmad loogu sameyn lahaa dadka rayidka ah.

2- Dagaalka Al-Shabaab ayaa lagu gorfeeyey shirkaas, waxay madaxdu hoosta ka xariiqeen in kooxdu ay dhibaatada ugu daran ku heysto Koonfur Galbeed, iyagoo ku tashaday in deg deg looga howlgalo sidii loo xoreyn lahaa dalka.

3- Arrimaha wax ka bedelka dastuurka ee hadda miiska saaran ayaa lagu gorfeeyey shirkaan, waxayna xildhibaanadu cadeeyeen in ay wax isla meel dhigeen, iyagoo hoosta ka xariiqay in reer K/Galbeed ay dani ugu jirto in doorasho qof iyo cod ah ay dalkaan ka dhacdo.

Sidoo kale Xildhibaanadu waxay sheegeen inay Madaxweynaha K/Galbeed laga doodeen arrimo badan oo ku saabsan wax ka bedelka dastuurka, iyagoo xusay in dastuurka dalka uusan ku sii jiri karin ku meel gaarkaan.

Madaxweynaha K/Galbeed ayaa doonaya in xildhibaanadu ay meel mariyaan heshiiskii golaha wadatashiga qaranka oo dhigaya in wax laga bedelo dastuurka, sida qodobada mudo xileedka hey’adaha dowladda oo laga dhigayo 5 sano, in dalka lagu maamulo nidaam madaxtooyo iyo in la qabto doorasho qof iyo cod ah.

Sida ay sheegeen xildhibaanadu madaxweynaha waxay ka aqbaleen arrimihii uu kala hadlay, waxaana lagu wadaa in Sabtida berri uu furmo shirka kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug
Ad
Previous articleFalcelin Xoogan oo Ka Dhalatay ku Biiritaankii Soomaaliya ee dallada bulshada Bariga Afrika .
Next articleDowlada Soomaaliya oo Soo Fara galisay khilaafkii ka dhex jiray jaaliyadda Soomaalida ee Zambia taas oo Ganacsade Habargidir ah Dhawaan laga soo Tarxiilay