Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Soo Fara galisay khilaafkii ka dhex jiray jaaliyadda Soomaalida...

Dowlada Soomaaliya oo Soo Fara galisay khilaafkii ka dhex jiray jaaliyadda Soomaalida ee Zambia taas oo Ganacsade Habargidir ah Dhawaan laga soo Tarxiilay

0

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumada Faderalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmahan ku suganaa dalka Zambia halkaas oo ay joogeen xal u helidda khilaaf ka dhex jiray jaaliyada Soomaalida.

Arrintaan oo muddo taagnayd ayaa hadda sida muuqata waxaa ku baxay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyagoo kulamo la yeeshay dhinacyada jaaliyadda ee khilaafku ka dhaxeeyay.

Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ka mid ah mas’uuliyiinta dhameynta khilaafka halkaa u tagay Lusaka oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo xubnaha kale ee la socda ay ku guuleysteen dhameynta madmadowgii ka dhex jiray jaaliyadda.

“waxaan u nimid arrin meeshaan ka jirtay oo ku saabsan in jaaliyadda halkaan xoogga dhibaato ah ay ka dhex dhacday oo dad badani ay maqleen oo nin oday ah ay halkaan dowladda Zambia ay ka tarxiishay iyo waxyaabo kale oo dadka ka dhax dhacay” ayuu yiri.

Xildhibaan Sanyare ayaa tilmaamay in arrinta aysan aheyn mid weyn balse la buunbuuniyay kadib markii Zambia laga tarxiilay “ninka odayga ah” oo labada dhinac ay isku eedeeyn, haddana lagu heshiiyay in laga wada shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa, sida uu xildhibaanku u sheegay BBC.

“Walaahi arrintu buunbuunin aan u badnayn marka la eego sida ay wax u jiraan ayey ahayd oo aad warbaahinta loogu sameeyay, baraha bulshada ayaa dadka qaribay, halkaan waxaa jiray nin dowladda Zambia ay ka tarxiishay, jaaliyadu waa isku eedaysay dhaxdeeda, laakin waxba iskuma qiran markii aan isku keenay, waana heshiiyeen oo waxaa ay ku heshiiyeen in haddii la soo celin karo laga wada shaqeeyo sidii loo soo celin lahaa”.

Xildhibaanka wuxuu sidoo kale sheegay in tabashooyin iyo Murano kale oo dhul ku saabsan oo jaaliyada ka dhex jiray si buuxada loogu guulaystay in la dhammeeyo, dibna loo mideeyo guud ahaan Jaaliyada Soomaaliyeed.

Mar BBC-da waxa ka waydiisay xildibaan Sanyare in heshiiska iyo go’aanka la gaaray uu ku qancay muwaadinkii lasoo tarxiilay waxaa uu xusay in goobjoog uusan ahyen oo Soomaaliya uu ku sugan yahay balse ay jiraan dad wakiil ka ah oo matalayay.

Dhanka kale Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo ka mid ah ma,suuliyiinta ku sugan dalka Zambia ee dhexdhaxadinta ka dhex wada Jaaliyada ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceboke tilmaamay in ay dhameeyeen khilaafkii jiray.

“Waxaa sharaf ii ah in aan kamid ahaa wafdi ka socday labada heer ee Dowlada Federalka oo seddaxdii maalin ee la soo dhaafay u joogay Lusaka, Zambia sidii xal looga gaari lahaa khilaaf ka dhax taagnaa Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

“Allah mahadii waxaa inoo suuragalay in aan turxaan bixino khilaafkaas Jaaliyadda ka dhex jiray oo muwaafaqo la gaaray. Waxaan u mahadcelinayaa odayaasha & hoggaanka jaaliyada oo si milgo & sharaf leh inoogu soo dhoweeyay dalkaas. Waxaana kula dardaarmayaa in ay ilaashadaan midnimadooda”. Ayuu yir xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed.

Laba bilood muddo laga joogo ayaa Cabdullaahi Axmed Yare oo ku magac dheer Guutaale, oo ah muwaadin Soomaali ah oo muddo ku noolaa dalka Zambia dalkaas laga soo tarxiilay, waxaana muran uu ka dhashay sifooyinka tarxiilkiisa loo soo maray, iyo dadkii ku lugta lahaa.

Guutaale oo muddo 20 sano ka badan ku noolaa, ganacsina ku haystay dalka Zambia ayey ciidanka dalkaas ku amreen inuu isaga baxo ayagoo aan sheegin wax sabab ah.

Mar ay BBC la xiriirtay si ay u ogaato jawaabta uu ka bixinayo go’aanka ay wafdiga dawladda Soomaaliya sheegeen inay ku heshiisiinayaan jaaliyadda ayuu ka gaabsaday.

“Ma garanayo waxa lagu heshiiyey, mana doonayo in aan ka hadlo sida aan u arko maadaama aanan joogin shirkaas, waxaana weli i haysta dhibaatooyinkii halkaas iga soo gaaray” ayuu ku gaabsaday Guutaale oo ay BBC isku dayday inay wax ka weydiiso sida uu u arko heshiiska.

Ad
Previous articleXildhibaanada federaalka ku Matala Koonfurgalbeed oo Shaaciyay wixii ay laftagareen kala Hadleen
Next articleSida ninkani qabri uu meydka gabadhiisa u qodayay uga dhex helay gabar kale oo nool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here