Home Wararka Maanta Xildhibaan Soomaali ah oo Ka Tirsan Baarlamaanka Canada oo Difaacay Soomaalida Laga...

Xildhibaan Soomaali ah oo Ka Tirsan Baarlamaanka Canada oo Difaacay Soomaalida Laga soo Tarxiilaaya Canada

0

Dowladda Canada ayaa wada qorshe ay ku tarxiileyso Soomaali badan oo lagu helay in dalkaasi ku galeen baasabooro dalal kale oo nabadi ka jirto, waxaana tarxiilkan si weyn uga walaacsan Soomaalida dalkaasi kunool.

Xildhibaan Faysal Xasan oo ka tirsan xildhibaanada xisbiga mucaaradka ah ee NDP ee dalka Canada ayaa go’aanka ay dowladda Canada ku tarxiileyso Soomaalida kunool dalkaasi ku tilmaamay mid aan sax aheyn oo midab takoor ah.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in aysan khaladka laheyn dadka Soomaaliyeed ee la tarxiilayo balse arrintaasi ka dambeeyeen mukhalasiinta uu sheegay in Soomaalida dalkaasi kusoo galiyeen baasaboorada dalal kale ayna dowladda kala hadlayaan arrintaasi.

“Arrin khaldan weeye, ma ahan in la celiyo, dad inaga mid ah weeye, waddanka dad buu u baahan yahay, welina dalkeeda wuxuu leeyahay waxaan u baahanahay dad da’da yar, aqoonta fiican leh, dadka waa dad yar oo aqoon fiican, xilliggii safmarka waxay ahaayeen dadkii qabanayay shaqadii loo baahnaa marka dadku ay aqaladooda joogeen, haddii aysan sheeganin dokumentiyadii ay dalka ku yimaadeen, waxa ay yihiin oo la xaqiijiyay iyaguna caddeeyeen, Soomaalida wakiilkoodana uu caddeeyay safaaradooda in dadkan ay yihiin dad Soomaali ah”” ayuu yiri Xildhibaan Feysal.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhibka uu ka yimid dadka mukhalasiinta ah ee dadkan soo galiyay Canada kuwaa uu tilmaamay in u sameeyeen dokumentiyo aan sax oo aan caddeyneynin halka ay kasoo jeedaan.

“Dadkan waa dad Soomaali ah, oo Soomaaliya cabsi fara badan uga soo qaxay, haddii mukhalasiinta ay ka qariyeen ayna cabsi geliyeen in aysan sheeganin dokumentiyadii ay waddanka ku yimaadeen , dokumentiyada dadka soo xambaaraya ay ka iibiyeen dadkan ama dalkeeda ay ku keenayaan ma aha kuwa sax ah iyaguna waxay sheegteen inay Soomaali yihiin, Soomaalinimadoodana wey caddahay , waana la xaqiijin kara, waana la arkaa” ayuu yiri xildhibaan Feysal Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Ontario.

Dowladda Canada ayaa ku doodeysa in dadka Soomaaliyeed ay tarxiileyso in ay ka been sheegeen sharciyadooda , waxa ayna dowladda sheegtay in dadkan lagu celinayo dalalka ay heestaan dhalashadooda.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Baahisay Qabiilka Mid ka Mid ah Ragii Weeraray Xerada Xalane
Next articleP.M Rooble oo Lakulmay Xoghayaasha Labada Aqal ee Dhawaan Lagu Soo Wareejiyay Malafyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here