Home Wararka Maanta Xildhibaan Sanbaloolshe oo Sheegay Sabab aysan u wadi karin Dagaalka Shabaab

Xildhibaan Sanbaloolshe oo Sheegay Sabab aysan u wadi karin Dagaalka Shabaab

0

Xildhibaan C/llaahi Sanbaloolshe oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlanaanka Soomaaliya, kana soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa fariin culus u diray maamulada iyo qabaa’ilada kale ee dalka, isagoo ku baaqay in laga wada qeyb qaato dagaalka ka dhanka ah Shabaab.

Sanbaloolshe ayaa sheegay iney dareemayaan culeyska in la isugu fiirsaday dadka reer Hiiraan iyo Shabaab, wuxuuna si cad u sheegay ineysan dagaalka sii wadi karin hadii aan lagala soo qeyb galin, dhinaca kalena ay ku adag tahay iney joojiyaan dagaalka maadaama deegaano dhowr ah Shabaab lagala wareegay.

”Walaalayaalow qolo gooni ah ayuu culeyska heystaa dagaalka kaligeena masii wadi karno mana ka bixi karno hadii aysan beelaha kale nagala qeyb qaadan” ayuu yiri Xildhibaan Sanbaloolshe.

Waxa uu dhinaca kale sheegay waxa ay haatan sida deg dega ah ugu baahan yihiin iney tahay Hub, rasaas iyo askar dagaalanta, isagoo sheegay in hadii aan guud ahaan Shabaab dalka meelaha ay ka joogaan lagula sagaalami karin awooda oo dhan la isugu geyeo goobaha uu haatan dagaalka ka socdo ee Hiiraan.

Si kastaba, Xildhibaan Sanbaloolshe oo laba jeer oo hore soo noqday taliyaha NISA ayaa dhawaan isaga iyo Wasiirka Gaashaandhigga dalka waxa ay tageen furimaha hore ee dagaalka Hiiraan, isagoo dhiira gelin u sameeyay ciidanka dowladda iyo maleeshiyaadka Macwuusleyda ee dagaalka wada.

Ad
Previous articleAngela Merkel oo ku guuleestay Abaal Marinta Qaramada Midoobe ee Qaxootiga
Next articleCali Jeyte oo shaaciyay inta Babadan Hiiraaan Laga Saaray Kooxda Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here