Home Wararka Maanta Xildhibaan Maxamed Maxamuud Seeyseey oo ku Geeriyooday Muqdisho

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Seeyseey oo ku Geeriyooday Muqdisho

0

Waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Maxamuud Seeyseey oo katirsanaa xildhibaanada golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka, xildhibaanka ayaana u geeriyooday xanuuno hayay muddooyinkii lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Maxamuud Seeyseey oo xalay goor dambe ku geeriyooday magalada Muqdisho.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seeyseey oo xalay goor dambe ku geeriyooday magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay in marxuum-ka uu ahaa halyeey waqti badan geliyay dowladnimadda. Wuxuuna Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo iimaan ka siiyo qoyskiisa, xildhibaannadda Golaha Shacabka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleWararkii Ugu Danbeeyey Macalin Mowliid Macalin Cabdullaahi oo dil argagax leh loogu geestay magaalada Muqdisho
Next articleMaxkamadeynta Imran Khan oo ka bilaabatay Pakistan Xili uu diiday inuu Kasoo dago Gaarigiisa