Home Wararka Maanta Maxkamadeynta Imran Khan oo ka bilaabatay Pakistan Xili uu diiday inuu Kasoo...

Maxkamadeynta Imran Khan oo ka bilaabatay Pakistan Xili uu diiday inuu Kasoo dago Gaarigiisa

0

Maxkamadda Ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa bilaabatay, iyadoo uu jiro bannaan bax weyn oo ay sameynayaan taageerayaashiisa.

Qareenada ayaa ku sugan maxkamadda, iyadoo gawaarida Imran Khan ay goobta soo gaareen, ha yeeshee Imran, ayaanan kasoo dagin gaarigiisa.

Kaaliyaha gaarka ah ee ra’iisul wasaaraha Shehbaz Sharif, Atta Tarr, oo ka hadlayay shirka jaraa’id, ayaa sheegay in maxkamada ay bilaabatay, qareenaduna ay joogaan, laakiin Imran Khan uu wali ku jiro gudaha gaarigiisa.

Sida uu sheegay kaaliya, haddii Imran Khan uu gaariga ka dago oo gudaha u galo, ma jirto wax caqabad ah oo kaga imaanaya dhanka dowladda, booliiska iyo sharci fulinta.

Sida laga soo xigtay Atta Tarr, haatan garsooruhu, ayaa wuxuu sugayaa imran Khan inuu ka soo muuqdo xarunta maxkamadda.

Imran Khan, ayaa bannaanka maxkamadda amar ku siinayo shaqaalahiisa, isaogo ka dalbaday inay is dejiyaan, si loo xaqiijiyo dibu dhaca ku iman kara dacwadda maxkamaddiisa.

Ad
Previous articleXildhibaan Maxamed Maxamuud Seeyseey oo ku Geeriyooday Muqdisho
Next articleAbiy Ahmed oo sheegay inuu xisbigiisa musuq maasuq la dagay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here