Xildhibaan Mahad Maxamed salaad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaaliya islamarkaana ka mid ahaa Mudanayaashii Maanta Horistaagay shirka ayaa Laga ganaaxay Shirka Golaha.
15 Xildhibaan ayaa Ganaax la saaray waxaana Laga ganaaxay 5 Kulan inay xaadiraan, waxaana dadka la ganaaxay ka mid ahaa Xildhibaan Cilmi oo aanan Xaadirin Fadhiga Maanta.
Xildhibaan Mahad salaad ayaa soo saaray Qoraal Kooban oo uga hadlayay Go’aanka uu Mursal qaatay
“Maxamed Mursal wuxuu kulansaday garasho la’aan sharciyadeed iyo garaad yari siyaasadeed. Fidnada uu ka talinayana cawaaqib xumada ka dhalata isaga ayaa si shakhsi ah u qaadaya mas’uuliyadeeda, sidaas ayuu sheegay Xildhibaan Mahad salaad
Ad