Home Wararka Somaliya Galmudug Dadka Galmudug ugu geeriyoonaya Covid19 oo sare ku kacay

Dadka Galmudug ugu geeriyoonaya Covid19 oo sare ku kacay

0

Illaa 15 qof ayaa maalmihii lasoo dhoofay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ugu geeriyootay xanuunka COVID-19, halka dad gaaraya 20 qof oo kalena ay hadda cudurka u jiifaan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Maamulka degaanka.

Deeganka Xeraale  ayaa ka mid ah meelo badan oo dalka Soomaaliya ah oo bilihii tegay uu cudurka si darran ugu faafay, inkasta oo hadda dalka la keenay tallaalka COVID-19.

Guddoomiyaha Xeraale Bashiir Daahir Dhagabadan ayaa sheegay in degaanka xeraale uu cudurka ku hayo halis badan, isla markaana degaanka uusan laheyn isbitaal gar ah oo lagula tacaalo dadka uu hayo cudurka.

Guddoomiyaha oo la hadlay Idaacadda Voa-da waxaa uu sheegay in ila 15 Ruux ay u geeriyoodeen Cudurka Coronavirus 20 kalena ay la jiifaan, waxaana uu sheegay in degaanka Xeraale uusan helin wax gurmad Caafimaad ah.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu kamid yahay degaannada uu saameynta weyn ku yeeshay Cudurka safmarka ah ee COVID-19, waxaana cudurka u dhintay dad badan halka kuwo kale ay la jiifaan .

Ad
Previous articleXildhibaan Mahad Salaad oo Weerar Afka ah ku qaaday Gudoomiye Mursal
Next articleXildhibaano ku hanjabay inay Gudoomiye Cusub dooran doonaan xilkana laga qaadayo Mursal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here