Home Wararka Maanta Xildhibaan Mahad Salaad oo shaaciyay sida ay maanta wax u dhaceen

Xildhibaan Mahad Salaad oo shaaciyay sida ay maanta wax u dhaceen

0

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qalalaasihii maanta laga sameeyay xarunta uu ku yaallo hoolka doorashada, halkaasi oo markii hore laga hor istaagay inay galaan xildhibaanada.

Mahad Salaad ayaa sheegay in kooxda Villa Somalia ay ka cabsi qabto in sidii shalay ay faro madhan kala laabato doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, islamarkaana ay doonayaan in la fashilayo doorashada.

“Hoolka ayaa hadda joogna Xildhibaanada saaxiibadaya ah waxaan ugu baaqeyna inay hoolka yimaadan. Dalka meel dheer ayaa laga keenay, nimanka hadda intaas oo isbaaro ah u dhiganaya Xildhibaanada waa niman aan doorasho rabin waaye oo raba in dalka dib u celiyaan,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Wixii shalay ka raacay Aqalka Sare oo ay ugu fashilmeen dadkii ay dhisayeen in hal qof usoo bixi waayay ayey aamisan yihiin in dhinacaas oo kale u socda Golaha Shacabka. Waxay rabaan inay carqaladeeyan oo doorashada la fashiliyo. Kama yeelayno, meesha waa imanay waa joogna.”

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa waxa kale oo uu Mudaneyaasha kale ugu baaqay inay soo xaadiraan hoolka, si ay u dhacdo doorashada guddoonka, taasi oo ay si weyn uga soo horjeedo Villa Somalia inay qabsoomto maanta.

“Waa in aan juhdigeena oo dhan isugu geyna sidii ay maanta u dhici laheyd doorashada oo aan u dooran laheyn guddoonka, si dalka iyo dadkaba loo bad-baadiyo.”

Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ka daahday in la bilaabo waqtigii lagu ballamay, kadib markii xildhibaannada qaar aysan gaarin hoolka doorashada, oo loo diiday inay dhaafan baraha kontorool.

Ciidamada Booliska ayaa iridaha laga galo garoonka oo ay ku taallo goobta ka dhaceyso doorashada ku celinayay xildhibanaada, si aysan uga sii gudbin oo u gaarin goobta doorashada Guddoonka loo diyaariyay.

“Ciidamada Police ka ayaa si fowda ah irdihii laga galayey Aden Cadde Airport gabi ahaanba diiday in xildhibaanadu tagaan teendhadii doorashada gudoonka golaha shacabka ka dhici lahayd,” ayuu ku yiri qoralka uu soo saaray Xildhibaan Maxamuud C/raxmaan Beene Beene.

Hase yeeshe waxaa jira tiro xildhibaano ah oo gudbay, mana cadda inta ay le’eg tahay tiradooda iyo haddii ay ku filan yihiin inuu qabsoomo kulanka maanta.

Waxaa weli jirta rajo ah in la qabto doorashada guddoonka Golaha Shacabka, waxaana goordhow Wariyeyaasha loo ogolaaday inay gudaha u galaan hoolka Afisyoone si ay doorashadaas ugu soo tabiyaan dadka Soomaaliyeed ee la socda.

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid
Ad
Previous articleAskari ka Tirsana Ciidamada GorGor oo Dhuusamareeb lagu Dilay
Next articleWararka ugu danbeeyay qabsoomida doorashada guddoonka golaha shacabka