Home Wararka Maanta Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo war ay ku Farxeen u Sheegay Dadka Camaara...

Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo war ay ku Farxeen u Sheegay Dadka Camaara oonka Haray Alshabaab

0

Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo ka mid ah masuuliyiinta hor kacaysa dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo koonfurta gobolka Mudug ayaa galabta warbaahinta kula hadlay magaalada Camaara oo ah deegaankii ugu dambeeyey ee laga xoreeyey kooxda.

Xildhibaanka ayaa sheegay inay halkaas ugu tageen bulsho aad u badan oo u diyaarsan inay dowladnimada garab istaagaan oo Shabaab aan ka dabacararin sida ka dhacday deegaano badan oo horay looga saaray kooxda, kuwaas oo laga waayey dadkii joogi jiray.

Xildhibaanka ayaa markii uu arkay sida ay u camirantahay magalada Camara wuxuu yiri, “Maanta waxaa noo shidan Camaara oo aan ugu imaanay dad shidan, si gaar ah ayaan ugu hambalyeynaa dadka ku nool magaaladaan,” ayuu yiri Xildhibaanku.

Dhabancad oo fagaare kula hadlay shacabkii laga xoreeyey Al-Shabaab ee Camaara ku noolaa ayaa u sheegay inay ku sii soca doonaan deegaanada weli ka maqan gacanta dowladda, isagoo ku dhiirigeliyey inay iska saaraan cabsida, maadaama aysan jirin wax dib u noqosho ah.

“Reer Camaara oo lafahooda ceynsaday ayaan cadowgii ka dul-qaadnay, iskuuladii iyo dugsiyadii waa u furan yihiin oo wax badan ayay kaga horeeyaan deegaanada kale, hadda waxay u baahan yihiin in waxooda wax loogu daro,” ayuu hadalkiisa ku sii daray xildhibaan Dhabancad.

Sidoo kale Xildhibaan Dhabancad ayaa dadka reer Camaara u sheegay in go’aan lagu gaaray in Shabaab aan laga harin ilaa inta laga soo afjarayo, sidaas darteed ay cabsida iska saaraan.

“Waxaad rumeysataan in dib aan loo laaba doonin oo berri uusan idin qabsa doonin Shabaab-kii la idinka dul qaaday, Soomaaliya oo dhan heshiis Khawaarijta iska xoreyn ah ayaa ka dhacay ee dhankiina ka fuliya,” ayuu yiri Dhabancad.

Ugu dambeyntii Xildhibaanka ayaa sheegay in beelaha Habargidir iyo Surre (Dir) ay sameysteen is xulufeysi ka dhan ah Al-Shabaab, sidoo kale dowladda federaalka iyo Galmudug ayuu ka codsaday inay dadka laga xoreynayo argagixisada la soo gaaraan waxyaabaha ka dhiman, si loo ilowsiiyo dhibkii Khawaarijta.

Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad ayaa Jimcihii ku dhaawacmay weerar is miidaamin ah oo Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Laas-gacamey oo u dhaxeeya Bacaadweyne iyo Wisil oo xligaas ay joogeen Qoor Qoor, Cabdi Qeybdiid iyo Cabdisalaan Dhabancad.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleGeneral indhacade oo markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay dagaalka ay haatan dowladdu kula jirto kooxda Al-Shabaab.
Next articleJabhada gacan libaax oo Balankii uga baxay Muuse Biixi Weerana Qaaday