Home Wararka Maanta Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur” guddoonka Baarlamaanka ee danaha yar dhaafsiisanaya sumcadda iyo kalsoonida...

Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur” guddoonka Baarlamaanka ee danaha yar dhaafsiisanaya sumcadda iyo kalsoonida Baarlamaanka Way ka Qoomamayn Doonaan”

0

Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur ayaa Giirdhow Soo Saaray Qoraalkaan oo uu Si adag ula Hadlay Gudoonka Baarlamaanka oo Foonaaya inay Dastuutka Xoog ku Badalaan.

Dastuurka 45 qodob iyo 97 faqradood ayaa wax laga beddelayaa, waxaa lagu soo darayaa 19 qodob iyo 94 faqradood oo cusub oo aan ku jirin Dastuurkii asalka ahaa, waxaana la tirayaa 3 Cutub, 3 qodob iyo 26 faqradood.

Dhammaystir miyaa mise beddelaad?

Kalfadhi kasta ee Baarlamaan wuxuu ku guntamaa kooram 139 xildhinaan Golaha Shacabka ah, 28 Aqalka sare, haddii ay isku imaanayaan labada aqal waxaa laga rabaa 167. Doodaha dastuurka ee socda labo fadhi oo keli ah ayaa kooram loo helay, ka dibna waxaa la yiri kooram looma baahna ee hore ha loo socdo.

Ansixinta Dastuurka waxaa loo baahan yahay saddex dalool labo oo ah 214 Xildhibaan oo labada aqal ee Baarlamaanka ah isku raacaan. Maadaama aan la helaynin tiradaas, waxaa beddelkeeda lagu ansixinayaa farriin fiidiyow lagu soo duubay, ama qoraal lagu soo diray adigoo maqan.

Ciyaar ay garsooraha iyo laacibka hal qof isku yihiin xiiso ma laha, sababtoo ah natiijadeeda ayaa la sii ogyahay. Mase dheera maalinka ay ka qoomamayn doonaan guddoonka Baarlamaanka ee danaha yar dhaafsiisanaya sumcadda iyo kalsoonida Baarlamaanka iyo Xildhibaannada ballanqaadyada sugaya.

Ad
Previous articleXildhibaandii Ugu Badnaa oo Ka Horyimid Qorshihii Xasan shiikh ee Dastuurka
Next articleXasan shiikh oo kulan la qaatay Xildhibaanadii Diidanaa Damiiciisa Badalka Dastuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here