Home Wararka Maanta Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal adag uga hadlay dhacdadii garoonka Aadan...

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal adag uga hadlay dhacdadii garoonka Aadan Cadde

0

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal kooban soo saaray ayaa si adag uga hadlay dhacdadii garoonka Aadan Cadde ee ka dhalatay dhibaatada loogu gaystay shacab todobaadkii hore ka dhoofayay gudaha garoonka wuxuuna sheegay in haatan laga laabtay u yeertis wasiirka gaadiidka Fardowso Cismaan Cigaal.

Fardowso ayaa saaka looga yeeray baarlamaanka, si wax looga weydiiyo dhibaatadaas, gaar ahaan lacago 9 dollar ah oo lagu soo rogay dadka ka dhoofaya garoonka.

“U yeerid iyo hor imaasho Golaha guud ee Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda JFS iyo jawaabidda su’aallo ordaaheedyo sida uu qabo qodobka 69/2 ee dastuurka KMG iyo qodobada Xeer hoosaadka 53/1, 63.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaca ka qaaday in haatan la baajiyay u yeerista wasiiradda, taas oo uu ku tilmaamay in dhaawac iyo sumcad xumo ku tahay Golaha.

“In Golaha Shacabka uu si rasmi ah kulan ugu yeero wasiir Xukuumadda ka tirsan si su’aalo looga waydiiyo dhibkii shacabka ay maalmo ka hor kala kulmeen garoonka diyaaradaha iyo lacagihii dulsaarka ahaa, haddana la baajiyo sabab la’aan waxay dhaawac ku tahay sumcadda guddoonka iyo Golaha” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaanka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in si cad loo jebiyay dastuurka iyo xeer hoosaadka u yaalla baraalamaanka ee ku aadan la xisaabtanka Golaha Wasiirada.

“Waxaa si cad loo jebiyey Qodobka 69aad ee Dastuurka iyo 59aad ee xeerhoosaadka Golaha shacabka ee la xisaabtanka Xukuumadda” ayuu mar kale yiri.

Warsame ayaa intaasi kusii daray “Qof dastuurka magansaday,Sharcigana dabiib biday, Oon xeer difaacayn, Awoodaha dulsaarka ah ,Maxaa uga damiin noqon, Mar- hadii rag doobshaa,Guddun daabka haystaan, Jarta meehsay doonaan!”

Loaded: 2.93%

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa, ayada  saameyn xoogan ay duulimaadyada gudaha (Local) ee garoonkaAadan Cadde ku yeesheen lacagaha cusub ee lasoo rogay, iyada oo shacab fara badan ku xanibmeen garoonka qeybta Local-ka.

Muranka ugu weyn ayaa u dhaxeeyay wasaaradda gaadiidka iyo shirkaddaha diyaaradaha oo ku saabsan in lacagaha xogta rakaabka lagu kordhiyo qiimaha Ticket-ka iyo in aan lagu kordhin, ayada oo xogta dadka dhoofaya loo dhiibayo shirkad gaar ah, taasi oo iyaduna aad uga soo horjeeda nidaamka amniga iyo kalsoonida dadka dhoofaya.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Ciidamada Dowlada Oo Soo Faarujiyay Magaalada Camaara
Next articleAqriso Sababaha Abiya Axmed ku Qasbaaya inuu ka laabto Heshiiska uu La Galay Muuse Biixi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here