Home Wararka Maanta Xildhibaan bistoolad la galay Baarlamaanka iyo dood ka dhalatay

Xildhibaan bistoolad la galay Baarlamaanka iyo dood ka dhalatay

0

Dood xoogan iyo qaylo dhaan ayaa ka dhalatay arrin la xiriirta amniga xarunta Baarlamaanka, kadib markii xildhibaannada qaar ay ku ka kaceen falal liddi ku ah amniga iyo badqabka xarunta ay ku shiraan xildhibaannada Soomaaliya.

Xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyay Villa Hargeysa ayaa sheegay inuu faraha kasii baxayo ammaanka xarunta, loona baahan yahay in wax laga qabto.

“War meeshaan haddii kal xawaaji lala soo galay, war haddii meeshaan haddii maqasyo lala soo galay, war maanta haddii aan caagado isla dhaceyno maxaa la sugayaa?” ayuu yiri.

Iyaas ayaa sidoo kale xusay in xildhibaan ka tirsan golaha uu bistoolad lasoo galay gudaha xarunta, taasna ay sababi karto toogasho, haddii aan deg-deg loo fara-gelin

“Maalin dhoweyd waxaa la’ii sheegay oo nin xildhibaan ah igu yiri nin kaloo xildhibaan oo bistoolad wata inuu ku arkay golaha, marka inaan istoogano miyaa la sugayaa? guddoomiye Sheekh Aadanow” ayuu mar kale yiri xildhibaan Ilyaas Sheekh Axmed.

Waxaa kale oo uu raaciyay “Arrintaas iyada ah waxaan rabaa guddoomiye inaadan oday-tinimadaada maalin waba ku saamaxeysid inta aad iska dhigtid xeer hoosaadka aad dad marsiisid”.

Dhankiisa Aadan Madoobe uu jawaabay xildhibaanka ayaa sheegay in arrintan laga heshiiyay, hadda kadibna xildhibaankii xadgududub sameeya lagu qaadi xeerka u yaalla.

“Darraad waa laga hadlay, wixii dhacayna waa laga heshiiyay, sidoo kale golaha waan u caddeynay in sulux iyo waan waan dambe laga galaynin xeer hoosaad lagu dhaqmi doono”, ayuu isna ku jawaabay afhayeenka guud ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya oo muddooyinkii u dambeeyay ka dooday arrimo xasaasi ah ayaa waxaa kulamada qaar ka dhashay buuq iyo gacan ka hadal, taas oo saameysay habsani u socodkii howlihii golaha.
Ad
Previous articleAbwaan nageeyey oo Shaaciyay Sababtii uu ugu Biiray Alshabaab
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dagaal Xalay Ka Dhacay Magaalada Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here