Dood xoogan iyo qaylo dhaan ayaa ka dhalatay arrin la xiriirta amniga xarunta Baarlamaanka, kadib markii xildhibaannada qaar ay ku ka kaceen falal liddi ku ah amniga iyo badqabka xarunta ay ku shiraan xildhibaannada Soomaaliya.
“War meeshaan haddii kal xawaaji lala soo galay, war haddii meeshaan haddii maqasyo lala soo galay, war maanta haddii aan caagado isla dhaceyno maxaa la sugayaa?” ayuu yiri.
Iyaas ayaa sidoo kale xusay in xildhibaan ka tirsan golaha uu bistoolad lasoo galay gudaha xarunta, taasna ay sababi karto toogasho, haddii aan deg-deg loo fara-gelin
Waxaa kale oo uu raaciyay “Arrintaas iyada ah waxaan rabaa guddoomiye inaadan oday-tinimadaada maalin waba ku saamaxeysid inta aad iska dhigtid xeer hoosaadka aad dad marsiisid”.
“Darraad waa laga hadlay, wixii dhacayna waa laga heshiiyay, sidoo kale golaha waan u caddeynay in sulux iyo waan waan dambe laga galaynin xeer hoosaad lagu dhaqmi doono”, ayuu isna ku jawaabay afhayeenka guud ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.