Home Wararka Somaliya Puntland Xildhabanada Laba Aqal ee puntland ku Matala Dowlada Soomaaliya oo Baaq Soo...

Xildhabanada Laba Aqal ee puntland ku Matala Dowlada Soomaaliya oo Baaq Soo Saaray

0

Xildhibaanno katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya kana soo jeeda deegaannada maamulka Puntland ayaa baaq kasoo saaray xaalada siyaasadeed ee ka dhalatay wax-kabadelka dastuurka Puntland ee ka taagan magaalada Garawe .

Qoraal ay soo saareen xildhibaannadan kasoo jeeda Puntland ayey ugu baaqeen maamulka Madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta kasoo horjeeda in ay ilaaliyaan xasilloonida iyo amniga caasimadda Puntland.

Xildhibaannadan ayaa sidoo kale ku baaqay in la joojiyo wax-kabedelka lagu sameenayo dastuurka maamulka Puntland, sidoo kale la qabto doorashada Puntland xilligeeda, iyadoo waliba loo qabanayo sidoo soo jireenka ahaa.

Ad
Previous articleRuushka oo ka xanaaqay tallaabo uu Turkigu qaaday
Next articleWararkii ugu Danbeeyey dilka argagax lahaa ee loo geestay Nasro Cabduqaadir Maxamed