Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey dilka argagax lahaa ee loo geestay Nasro Cabduqaadir...

Wararkii ugu Danbeeyey dilka argagax lahaa ee loo geestay Nasro Cabduqaadir Maxamed

0

Wararka ka imaanaya degmada Baled Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in deegaan hoostaga degmadaasi uu ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen , kaddib markii haweeney kamid aheyd dadka deegaanka dil u geesatay haweeney kale.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in haweeney lagu magacaabo Calaso Muxumed toorey ku dishay haweeney kale oo lagu magacaabo Nasro Cabduqaadir Maxamed , kaddib markii muran uu dhax maray labada haween.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Baledxaawo ayaa wada howlgal ay ku baadigoobayaan haweeneyda dilka geesatay , waxaana meydka haweeneyda la dilay la dhigay isbitaal kuyaalla Baled Xaawo.

Ehelada haweeneyda la dilay ayaa ka codsaday ciidamada ammaanka in ay gacanta kusoo dhigaan haweeneyda dilka geesatay oo ay aaminsan yihiin in deegaanno katirsan Baled Xaawo ku dhuumaaleesaneyso.

Dilkan ka dhacay deegaanka hoostaga degmada Baled Xaawo ayaa dad badan aad uga argagaxeen, waxaana labada haween ee murmay ee mid kamid ah la dilay la sheegay in ay ahaayeen dad daris ahaa.

Ad
Previous articleXildhabanada Laba Aqal ee puntland ku Matala Dowlada Soomaaliya oo Baaq Soo Saaray
Next articleFaahfaahin: Hooyo iyo saddax carruur ah oo ay dhashay iyo aabbe iyo afar carruur ah uu dhalay oo Qarax Ku Geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here