Home Wararka Maanta Xiisada Magaalada Laasacaanood oo Markale Cirka isku Shareertay iyo Soomaaliland oo Waagu...

Xiisada Magaalada Laasacaanood oo Markale Cirka isku Shareertay iyo Soomaaliland oo Waagu Ku Baryay

0

Xiisadda Laascaanood oo maalmihii dambe kasoo reysaneysay rabshadihii kal hore ka dhacay ayaa waxay markale u muuqaneysa inay si weyn usoo laba-kacleysay, kadib socdaal uu maanta magaalada ku tagay Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC.

Garaad Jaamac oo kamid ah Garaadyada kasoo horjeeda gooni isu-taagga Somaliland ayaa waxa si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Garaadkan ayaa waxaa magaalada ugu dambeysay sanadkii 2007-dii, xilligaasi oo gacan ku haynta Laascaanood ay la wareegtay xukuumadda Somaliland.

Waxay soo dhawayntiisu noqotay middii abid ugu ballaarneyd ee ka dhacda Laascaanood, iyada oo kumanaan shacab ah oo sita calanka Soomaaliya ay soo buux dhaafiyeen waddooyinka gudaha magaalada.

Garaad Jaamac oo khudbad ka jeediyay fagaaraha bartamaha Laascaanood ayaa waxa uu xukuumadda Somaliland ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan dhibaatooyinka ka dhacay magaalada, isaga oo sheegay in aan Laascaanood mardambe laga maamuli doonin Hargeysa.

“Soomaali kala go’aysaa ma jirto, Soomaali baanu nahay. Soomaali baanu ahaan doonnaa. Dhiiggii awoowayaasheen bilaash uma uusan daadan, wuxuu u daatay in la helo Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo mid ah. Kuwa maqan ayaan doonaynaa kuwo jooga kala goyn mayno,” ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay “in reer Laascaanood ay yihiin dad waligood usoo halgami jiray midnimada Soomaaliya, haddanaa ay raalli ka ahaan doonin in Soomaaliya la kala gooyo.”

Arrintan ayaa ka dhigan in Somaliland oo gacanta ku haysa maamulka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ay qaadi doonto tallaabo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqa uu garaadku ka wado magaalada, sida ay qabaan dadka sida dhow ula socda arrimahaan.

Sidoo kale waxaa lasoo sheegaya in walaac horleh uu soo foodsaaray bulshada ku nool magaaladaasi oo dhawaan uun kasoo baxay rabshado dhiig ku daatay.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Ciidamada Galmudug iyo Kuwa Dowlada oo Dagaal Qaraar Kadib Alshabaab kala Wareegay Deegano Hor leh
Next articleNin ka tirsanaan jiray Sirdoonkii Soomaaliya oo hadda ah ku xigeenka hoggaamiyaha ugu sarreeya Al-Shabaab