Home Wararka Maanta Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo u Yeeray Wassirka Batroolka Xili Musuq...

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo u Yeeray Wassirka Batroolka Xili Musuq lagu eedeeyey

0

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, Mudane Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa maanta soo saaray amar ku socda wasiirka wasaaradda Betroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Xeer ilaaliyaha ayaa u yeeray wasiir Cabdirashiid in maalinta Isniinta ah oo ay taariikhdu tahay 25/04/2022, uu yimaado xafiiskiisa, sida lagu cadeeyey qoraalka, Dr Sulemaan.

Wasiirka ayaa waxaa la faray inuu waqtiga imaanshaha ilaaliyo, kaas  oo ah 11:00 AM ee barqanimo, sida ku cad qoraalka kasoo baxay xafiiska Mudane Suleymaan Maxamed.

Sidoo kale xeer ilaaliyaha ayaa shaaca ka qaaday in wasiirka Batrolka wax laga weydiin doono Heshiiska shidaalka ee uu saxiixay, kaas oo dhex-maray wasaaradda Batrolka iyo Macdanta ee xukuumadda Soomaaliya iyo Shirkadda Coastline Exploration Limited.

Wasiirka Batrolk ayaa dhowaan soo bandhigay heshiis shidaal baris ah oo ay wasaaraddu la saxiixatay shirkadda Coastline Exploration Limited (“Coastline”) oo laga leeyahay dalka Mareykanka, kaas oo dood dhaliyey, isla-markaana ay ka hor yimaadeen madaxda dalka.

Wasiir Cabdirashiid ayaa sidoo kale xilligaas sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu la ogaa heshiiska oo lagu qaatay lacag dhan illaa 7 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah.

Ad
Previous articleGolaha Wasiirada Puntland oo Shir Deg Deg ah isugu Yimid iyo Axmed Karaash Shir Gudoomiyay Xili uu ku Dhawaaqay Inuu noqday Madaxweynaha puntland(Sawiro)
Next articleZeynab Maxamed: Gabadh Soomaali ah oo sabab cajiib ah ugu biiri rabta Senate-ka Minnesota

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here