Home Wararka Somaliya Galmudug Xasan Shiikh oo War kasoo Saaray Guushii Xulka Ciyaaraha Galmudug

Xasan Shiikh oo War kasoo Saaray Guushii Xulka Ciyaaraha Galmudug

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyeeyay xulka Galmudug iyo taageerayaashooda guushii ay maanta kasoo hooyeen ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho.

Galmudug ayaa markii ugu horreysay maanta ku guuleysatay koobka ciyaaraha maamullada dalka, ayada oo dhiggeeda HirShabeelle uga adkaatay Gool laag, kadib markii ay ismari-waayeen.

Madaxweynaha oo qoraal kasoo saaray guushaan ayaa wuxuu guusha Galmudug ku tilmaamay mid saldhig u ah ciyaar wanaag, tababar fiican, anshax wanaagsan iyo isku xirnaan.

“Xulka Kubadda Cagta Galmudug, Macalimiin, maamul ciyaartooy iyo taageerayaalba, waxaan ugu hambalyeynayaa guusha hanashada Koobka Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu xusay in ciyaaraha ay kor u qaadaan is-dhexgalka bulshada, iyo wadajirka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Hoos ka aqriso qoraalka madaxweynaha;

Xulka Kubadda Cagta Galmudug, Macalimiin, maamul ciyaartooy iyo taageerayaalba, waxaan ugu hambalyeynayaa guusha hanashada Koobka Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Guushan aad gaarteen waxaa saldhig u ahaa ciyaar wanaag, tababar fiican, anshax wanaagsan iyo isku xirnaan.

Xulka Kubadda Cagta Hirshabeelle waxaad soo gaarteen ciyaartii u danbeysey ee tartanka, waana tusaale muujinaya dadaalka aad bixiseen, waxaan idiin rajaynayaa guulo danbe iyo taariikh wanaagsan.

Guud ahaan bahda ciyaaraha Soomaaliyeed waxay mudan yihiin ammaan, maadama muddada ay socdeen ciyaarahan ay muuqaal qurxoon ka bixiyeen dalka.

Laamaha Amniga Soomaaliyeed ee ka soo dhalaalay doorkoodii ku aaddanaa in nabad iyo amni ay ku baritamaan dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoo kumannaan taageerayaal ah ay maalin walba daawanayeen waa taariikh wanaagsan oo ka tarjumaysa mustaqbalka dalka iyo xasilloonida ay inoo diidan yihiin argagixisada cadowga ah.

Ciyaarahu waxa ay kor u qaadaan is-dhexgalka bulshada, iyo wadajirka dhallinyarada Soomaaliyeed.
Ad
Previous articleXasan Sheekh Maxamuud oo khudbad Cajiib ah ka jeediyey Madasha Talyaaniga iyo Afrika kana Hadlay Damaca Waalida ah ee Abiya Axmed
Next articleQoor Qoor oo ka hadlay guusha xulkiisa Galmudug uu kasoo hooyay tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir Dalab Culusna Soo Diray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here