Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Si layaab leh oo Khiyaamay Kenya iyo Kenya Oo...

Xasan Shiikh oo Si layaab leh oo Khiyaamay Kenya iyo Kenya Oo Ka Carootay

0

Somalia ayaa Kenya ka tabanaysa hagardaamo joogto ah,Damaaci dhuleed iyo marar badan oo ay kenya ku kacday Khaladaad Diblomaasi,Lknse markan Somalia way joojisey u dhego nuglaantii Kenya,waxayna qaaday tilaabo aan la filayn sida uu qoray All-Africa

Waxaana Cadayn u ah kadib markii madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud uu khidad cajiib ah la ciyaaray dalka Kenya oo martigelinaysa shir-weyne ay dano badan ka lahayd dhinaca Somalia .

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh oo doonaya inuu xanuunjiyo Kenya ayaan ka qaybgeli doonin shirka hoggaamiyeyaasha dalalka ku midaysan Urur-gobaleedka IGAD, kaas oo berri ka furmaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Madaxwaynaha Somalia oo laga sugayey inuu nairobi ka dego ayaa taa bedelkeeda xalay ka degey magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga,Waxaana halkaas uga bilowday booqasho rasmi ah iyo wada xaajoodyo dhinacyo uu la yeelan doona madaxda dalka Turkiga oo lagu soo qaadi doono arrimo badan oo xasaasi ah.

Africa Intelligence oo soo Xiganaya Masuuliyiin Keenyaati ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan sheekh uu xili dambe ku wargeliyey uhuru Kenyatta in aanuu kasoo qayg geli doonin Shirka Igad, oo ay Kenya aad u doonaysey in Madaxwayne Xasan Sheekh uu kasoo qaybgalo Shirka igad ee Kenya .

Kenya ayaa inuu madaxweynaha Somalia yimaado Nairobi u arkaysey mid aad ugu muhim ah si ay arrimo dhaqaale iyo iyo ganacsi u badan u gala hadasho madaxweyne Xasan,Lknse Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dirtay Raysal Wasaare Xigeenkii hore ee Somalia Mahdi Guleed.

Sylvanus oo ah Siyaasi kenyaan ah ayaa baaqashada shirka ee madaxweynaha somalia ku tilmaamay Halaag iyo rajo xumo ,wuxuuna yiri sidan;

” Shacabka Kenya waxay sugayeen madaxweynaha Somalia ama Raiiusl wasaaruhu midkood inuu shirka kasoo qayb galo,kadibna Somalia lagala heshiiyo inay fasaxdo qaadka Keenya oo ay ku tiirsanaayeen nolosha Malaayiin muwaadin,lknse rajadii dadku filyeen god dheer ayay kusii dhacday

Madaxda sare ee Somalia shirkan waxay uga baaqdeen inay kenya ku Ciqaabaan khaladkii ugu dambeeyey ee ay Kenya ugu geftey Midnimada somalia,wuxuu ahaa khalad laga baaqsan karey oo aan wax dan ah ugu jirin Kenya “

Ad
Previous articleUNOCHA ” ugu yaraan 200 oo carruur ah ayaa Soomaaliya ugu geeriyoodeen tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan”.
Next articleDhageyso Boliiska Soomaaliyeed oo shacabka Muqdisho u diray Hanjabaad xoogan, ka dib markii….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here