Home Wararka Maanta Xasan shiikh oo Saraakiishii Difaacday Xarardheere kuli Wada Dalacsiiyay

Xasan shiikh oo Saraakiishii Difaacday Xarardheere kuli Wada Dalacsiiyay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shalay safar taariikhi ah ku tegay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo maalmo ka hor ay Al-Shabaab ku soo qaadeen weerar culus oo ay doonayeen inay kula wareegaan, balse ay awoodi waayeen.

Maxaxweynaha ayaa Shalay kormeeray saldhigyada ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin degmada Xarardheere, isagoo u khudbeeyey ciidanka.

Guusha ugu weyn ee safarka Madaxweynaha waa inuu dalacsiiyey dhammaan saraakiisha hoggaamisa ciidanka xoogga dalka ee kooxaha Alshabaab ka difaacaya degmada Xarardheere iyo deeganaada hoos taga.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa faray taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Ibraahim Sheekh inuu dalacsiiyo askarta iyo saraakiil xigeenada ciidanka ee ku sugan degmada Xarardheere.

“Dalkeenna maanta waxaa uu cagta saaray dhabbaha horumarka iyo kobaca bulshada, taas waxa suurageliyey waa idinka oo habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka, bulshada Xaradheere gaar ahaan geesiyaasha difaaca shacabka iyo Ciidamada Qalabka Sida,!waxaad muujiseen nafhurnimo, waana miraha aan rabno in mustaqbal ay harsadaan ubadkiinna iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale saraakiishii iyo ciidamadii joogay halka uu khudbadaan ka jeediyey ayuu ka codsaday inay salaan ka gaarsiiyaan ciidamada ku maqan furimaha iyo kuwa duurka fog ee degmada difaaca uga jira, taas oo muujineysa laxawga ay madaxweynaha ku hayaan ciidamada naftooda horayaasha ah.

Wasiirradii la socday ee gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha ayuu sheegay inay soo dhameystiri doonaan baahiyaha ay qabaan ciidamada iyo bulshada degmada Xarardheere, isagoo ka balan qaaday in safarkaan uusan noqa doonin kii ugu dambeeyey ee Xarardheere uu ku tegay, balse uu ku laaban doono halkaas.

Xasan Sheekh ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee booqda degmada Xarardheere, waxayna booqashadiisaan ku soo aaday xili ay adagtahay xaaladda magaaladaas oo Shabaab ay doonayaan inay awood kula wareegaan, balse Xasan Sheekh ayaa maanta shacabka iyo ciidamada ku sugan degmadaas dareensiiyey inay astaan u yihiin halganka dalka looga xoreynayo argagixisada.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleFaahfaahin Ninkii gubay kitaabka Qur’aanka oo maydkiisa laga helay
Next articleHorjooge Horjooge Ismaaciil Xasan Oo Iskusoo Dhiibay Ciidamada Galmudug(Sawiro)