Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo markii ugu horreeysay shaaciyay sababta uu dowladdiisa ugu soo...

Xasan Shiikh oo markii ugu horreeysay shaaciyay sababta uu dowladdiisa ugu soo daray in uu kamid noqdo Muqtaar rooboow

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreeysay shaaciyay sababta uu dowladdiisa ugu soo daray in uu kamid noqdo Muqtaar rooboow oo ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya, kaas oo mar kamid ahaan jiray hoggaamiyeyaasha ugu sareeya Ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo Wareysi siiyay Wargeyska Caalamiga ah The Guardian ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya, Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu ku qancin karo qaar ka mid ah asxaabtiisii hore inay kasoo goostaan Ururka Al-Shabaab.

“Waxaan rabnaa inaan tusno hoggaanka Al-Shabaab in haddii ay isa soo dhiibaan aan la bahdilin doonin, aan si xun loola dhaqmin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray Madaxweynaha in Muqtaar Rooboow uu habab isgaarsiineed la sameeyay xubnaha dhexdhexaadka ah ee katirsan Al-Shabaab, isla markaana uu ku dhiiro geliyay inay isaga soo tagaan, taasina ay tahay qorshaha kaliya ee dowladdiisu ugu adkaan karto Al-Shabaab.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur ayaa isku soo dhiibay dowladdii hore ee uu hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, balse ay markii dambe kasoo xirtay Magaalada baydhabo, xilli uu u sharaxnaa xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana hadda uu kamid yahay golaha Wasiirada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xame Cabdi Barre

Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur ayaa horay u sheegay in sababta uu uga soo tegay Al-Shabaab ay tahay markii uu arkay dhibaatada ay dadka Soomaliyeed kuhayaan mudada 1-ka sano ah, iyada oo ay xusid mudan tahy in uu Al-Shabaab dagaal kula galay meelo kamid ah gobolka Bakool.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDeni oo maantay kusoo wajahan Muqdisho Kadib Markii uu Diiday Wafdi Dowlada Kasocda oo garowe ku wajahnaaa
Next articleCabdiraxmaan Cadow Ciise oo Dhawaan Dilay Saylax Cabdulle Axmed oo Dil Toogasha lagu Xukumay