Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Markale Maantay aaday Safar Dibadeed Xili uu Hada uun...

Xasan Shiikh oo Markale Maantay aaday Safar Dibadeed Xili uu Hada uun Soo laabtay

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u baxaya safar kale oo dibadeed, xilli uu dhowaan cagta soo mariyay dalal dhowr ah oo kala duwan, kuwaas oo ay kamid yihiin Itoobiya, Uganda, Jabuuti, Masar iyo Switzerland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan madaxweynaha uu kusii jeedo safar kale oo uu ku gaarayo dalka Tanzania, halkaas oo ay uga bilaabaneyso booqasho rasmi ah.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa Warbaahinta u sheegay in Xasan Sheekh uu la kulami doono madaxweynaha dalkaasi  Samia Suluhu Hassan oo ay ka wada-hadli doonaan xiriirka labada iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashooda.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu joogo magaalada Arusha ee dalka Tanzania bilaabi doono kulamo kale oo la xiriira dadaallada Dalladda Bulshada Bariga Afrika oo ay haatan xubin buuxda ka tahay Soomaaliya, isla markaana ah urur dhaqaale oo muhiim ah.

Safarada uu galay madaxweynaha ayaa aad u kordhay maalmahan, waxaana isku maray todobaadyo gudahood waddamo badan, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan

Zakariye Cali oo kamid a dhalinyarada isticmaala baraha bulshada ayaa yiri “Canshuurtii shacabka Soomaaliyeed wax loogu qaban lahaa diyaarado iyo hoteelo ayuu ku dhameeyey”

Aweys Siraad Cumar “Xasan safraaye waa la dhihi karaa intuu safar yahay iyo inta uu dalka joojo safarka ayaa badan”.

Mahad Xasan “Miisaaniyadii qaranka sookan xasan isaga iyo qoyskiisii ay ka dhigteen nool lagu raaco diyaaradaha”.

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha

Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa la

UK oo kordhisay Kaalmada ay siiso Ciidanka Dowlada somaliya Xili uu jiro Dagaalka Shabaab

Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso halis amni oo cusub oo ka imaanaysa Al-Shabaab oo markale xoogeysanaya, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK waxay kordhisay taageerada ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF). UK

Dalka Mareykanka oo lagu Xiray Muwaadin Somali ah oo lala Xiriirinayo dambiyo maandooriye

Saraakiisha Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka gaar ahaan Waaxda Blaine, Washington, ayaa xiray Muwaadin Soomaali ah oo taariikh dembi ku lahaa dalkaasi Mareykanka maadama lala xiriiriyay isticmaalka iyo dambiyada ka dhaca
Ad
Previous articleAyaan Faarax Abuukar oo Qiratay inay Wax Ka dhacday Lacag Gaaraysa $5.7 Milyan oo doolar
Next articleDagaal Qaraar Kadib Alshabaab oo Xoog looga saaray Beerayabaal iyo Cali Jayte oo soo rogaal Celiyay