Muqdisho, May 23, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan u magacaabay xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasime Ku-xigeenka Cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.
Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan Amiin waa aqoonyahan labo shahaado ka haysta heerka 2-aad ee jamaacadda, isaga oo ku takhasusay Horumarinta Dhaqaalaha, Maareynta Nabadda iyo Aammaanka Afrika. Waxa uu hore u soo noqday Sanatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Golaha Aqalka Sare, sidoo kale waxa uu soo noqday Safiir Ku-xigeenka safaaradda aynu ku leennahay dalka Kenya.
Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Labadii diyaaradood ee ugu horreyay oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akınci ,ayaa shalay gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo ay milkiyadooda leedahay Soomaaliya. Diyaaradaha oo ay ku xiranyihiin tiknoolajiyad