Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxauud ayaa xalay bixiyay abaal-marino lacag ah, kadib munaasabad ballaaran oo ka dhacday Villa Soomaaliya, taas oo ay ka qayb-galeen wasiiro, duqa Muqdisho iyo Culimo.
Madaxweynaha ayaa munaasabadan abaal-marino lacag ah ku guddoonsiiyey ardayda kaalmaha hore galay too gaaraya illaa todobo, kuwaas oo isku jiro gabdho iyo wiilal.
Abaal-marinada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee Tartanka Quraanka Kariimka ah ayaa waxaa ku guuleystay:-
1-Majiidu Raxmaan Maxamed Cabdullaahi, $20,000.
2-Yuusuf Xasan Cusmaan, $15,000.
3-Xuseen Xasan Nuur, $10,000.
4-Sadiiq Maxamed Cali, $7000.
5-Faadumo Jamaal Xaashi, $5000.
6-Maxamed Haaruun Maxamed, $3000.
7-Ikraan Cabdikariim Xasan, $2000.
Xasan Sheekh oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in halyeeyadan ka socda gobollada dalka oo idil ay ka turjumayaan dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysan diinta Islaamka iyo wanaagga.
Sidoo kale wuxuu aad u boggaadiyay macallimiinta iyo waalidiinta kusoo dadaalay ardayda guuleysatay iyo dhammaan kuwii ka qayb-galay musaabaqada.
“Ubadkan sidaas u xifdiyey Quraanka Kariimka ah, waalidka kula dadaalay Kitaabka Alle iyo macallimiinta soo barbaariyey waxay caddeyn u tahay sida dadkeennu ay ugu dheggan yihiin diinteenna Islaamka” ayuu khudbaddiisa jku yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
“Tani waa xujo adag oo hortaalla argagixisada banneystay dhiigga dadkeenna, iyagoo ku been abuuranaya diinteenna suubban. Imisa ayey xasuuqeen arday baranaysay Kitaabka Alle, macallimiin xifdisiinayey ubadkeenna Kitaabka Alle. Imisa dugsi Quraan ayey dumiyeen, imisa Masaajid ayey burburiyeen ama ku dhex laayeen ehlu Quraan”. ayuu sii raaciyay.