Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan xasaasi ah oo uu xalay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, kaas oo ka dhacay gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Ugu horreyyn madaxda ayaa iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo guulaha haatan laga gaaray.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla meel dhigay in sidA ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo wajiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay ku biiriyaan ciidamo ka socda waddamada dariska oo la isku yiraahdo dalalka safka hore.
Intaas kadib ayaa madaxweyne Xasan Sheekh & hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle waxay guda galeen ujeedka kulankooda oo daarnaa xiisadda u dhexeyso dowladda federaalka iyo Puntland, si xal waara looga gaaro.
Madaxweynaha dowladda dhexe ayaa saddexda hoggaamiye kala hadlay sidii ay deg deg ugu bixi lahaayeen safarkkooda magaalada Garoowe, si ay wadahadallo ku saabsan tabashada Puntland ula soo yeeshaan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).
Sida ay ogaatay Mudug24 ujeedada ugu weyn ayaa ah sidii Deni loogu qancin lahaa inuu kasoo qay-bgalo shirka golaha wadatashiga qaranka oo lagu wado in bartamaha bishaan May uu ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug, kaas oo qorshuhu yahay in diiradda lagu saaro dagaalka Shabaab iyo doorashada 2026-ka.
Arrintaan ayaa kusoo aadayso, ayada oo haatan ay sii laba kacleysay xiisadda u dhexeysa dowladda dhexe iyo Puntland, kadib markii uu habeen hore madaxweyne Xasan Sheekh uu hoos u dhigay khilaafka kala dhexeeya maamulka Garoowe, isaga oo shaaciyay in uusan ogeyn tabashada ay qabto Puntland, taas oo ka careysay kooxda madaxweyne Saciid Deni.