Home Wararka Maanta Dowladda oo Markale Muqdisho kasoo dejisay Soomaali kasoo carartay Colaada Sudan (Sawirro)

Dowladda oo Markale Muqdisho kasoo dejisay Soomaali kasoo carartay Colaada Sudan (Sawirro)

0

Dowladda Soomaaliya ayaa wali ku mashquulsan in dalka Sudan iyo dalalka dariska la ah kasoo daad-gureyso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kasoo carartay colaada sukeeye ee ka qaraxday dalka Sudan.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa shalay kasoo degtay diyaarad siday 73 qof oo Soomaali ah, kuwaa oo u badnaa arday Soomaaliyeed oo wax ka baranayay jaamacado dalka Sudan kuyaalla.

Wasiirka arrimaha duibadda xukuumadda Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxa uuna sheegay wasiirka in wali socdaan daad-gureynta Soomaalida kasoo carartay Sudan.

Diyaaradan Muqdisho keentay muwaadiinta Soomaaliyeed ee kasoo qaxay dalka Sudan ayaa noqoneysa tii afaraad, waxaana guud ahaan noqonayaan Soomaalida kasoo carartay Sudan ee dalka kusoo laabtay 242 qof oo isugu jira rag, dumar, da’ iyo carruur intaba.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Kulan Saacado Badan Qaatay la Yeeshay Qoor Qoor Laftagareen iyo Cali Guudlaawe
Next articleNin kalluumeysato ahaa oo meydkiisa laga dhex helay yaxaas liqay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here