Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Ciidamo Ku Biiraayaa Dagaalka Ka Dhanka Ah Alshabaab Tababar...

Xasan Shiikh oo Ciidamo Ku Biiraayaa Dagaalka Ka Dhanka Ah Alshabaab Tababar usoo Xiray(Sawiro)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen Dufcaddii 6-aad ee Layli Saraakiil ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha gashay kaalmaha hore.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Saraakiisha maanta qalinjabiyey in ay hormuud u noqdaan halganka Qaran ee dalka looga xoreynayo Khawaarijta caqabadda ku ah amniga, xasilloonida iyo horumarka dalka iyo qorshaha dib dhiska ciidamada Xoogga dalla Soomaaliyeed.

“Waxaad soo gaarteen marxaladdii ugu muhiimsanayd ee taariikhdiinna ka mid noqoshada CXDS. Waxaad hibeyseen wixii ugu qaalisanaa ee aad haysateen oo ah naftiina, waxaana la idinka sugayaa in aad dadkiina ka kor qaaddaan argagixisada nolosha u diidan”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga dadaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi mug weyn.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleAlshabaab dagaal culus kula Wareegay Goofgaduud Askar Noolna Watay
Next articleBritain oo Maantay yeelatay ra’iisul wasaare cusub