Home Wararka Caalamka Britain oo Maantay yeelatay ra’iisul wasaare cusub

Britain oo Maantay yeelatay ra’iisul wasaare cusub

0

Boqorka UK, Charles III ayaa Jimcaha maanta ah si rasmi ah ugu magacaabay hoggaamiyaha Xisbiga Labor-ka Keir Starmer ra’iisul wasaaraha cusub ee Britain.

Sawirro laga sii daayey qasriga Buckingham Palace ayaa muujiyey Starmer oo gacan qaaday Boqorka, kadib markii xisbigiisa ay guul aqlabiyad xooggan leh ka gaareen doorashooyinkii dhacay Khamiistii.

Boqorka ayaa goor sii horeysay aqbaly is-casilaadda hoggaamiyaha Xisbiga Conservative-ka ra’iisul wasaare Rishi Sunak.

“Boqorku waxa uu maanta qaabilay mudane xildhibaan Sir Keir Starmer, wuxuuna ka codsaday in uu dowlad cusub soo dhiso,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay qasriga.

“Sir Keir wuu aqbalay soo jeedinta boqorka, wuxuuna dhunkaday gacmahiisa kadib markii loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha iyo Sayidka Koowaad ee Maaliyadda.”

Keir Starmer ayaa Jimcihii balan qaaday in xukuumadiisa Labour-ka ay laga billaabo maalinta koowaad ka shaqeyn doonaan dib u cusboonaysiinta qaranka, isaga oo xafiiska 10 Downing Streat ka hor jeediyey khudbaddii ugu horaysay ee isaga oo ra’iisal wasaare ah.

“Shaqada isbedelka si degdeg ah ayey u billaabmaysa. Laakiin shaki ha ka qabin, waxaan dib u dhisi doonnaa Britain,” ayuu yiri, ka dib markii Labour-ka uu soo afjaray 14 sano oo xukunkii Conservative-ka.

Wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada UAE oo soo gaaray Muqdisho

Wafdi sare oo ka socda dawladda Imaaraatka Carabta, uuna hogaaminayo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibada ee Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayna ku jiraan saraakiil sarsare oo ciidan iyo diblumaasiyiin galabta

Mucaaradka Turkiga ahna Duqa Istanbul oo lagu xiray Dalkaasi

Ekrem Imamoglu, Duqa Istanbul ahna hoggaanka xisbiga mucaaradka, tartan xooganna kula jira Madaxweyne Erdogan, ayaa saaka xabsiga loo taxaabay asaga iyo 100 siyaasi oo kale oo mucaaradka ah. Imamoglu waa

Dowlada Somaliya oo beenisay hadalka Puntland ee ku diiday Kaarka Aqoonsiga

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee xukuumada Somalia ayaa sheegtay Kaarka Aqoonsiga Qaran inuu yahay xaq Dadweyne oo ilaalinta xogtiisana ay yahay mid sugan. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay

Ciidan Tababar ahaan u joogay Turkiga oo isku Qacan Qaaday gudaha xerada Tababarka

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Askar Soomaali tababar u joogtay Turkiga oo kubbad ciyaarayay oo dagaal ka dhex qaraxay, taasina waxay keentay in ay dhawacmaan ilaa iyo 24

Puntland oo sheegtay in Aqoonsiga Qaranka uu Noqday mashruuc hanti urursi ah oo culays ku ah shacabka Soomaaliyeed

Puntland ayaa si cad uga hortimid diiwaangelinta kaarka aqoonsiga qaranka (National ID) ee dowladda Fecderaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in qorshahan uu yahay mid siyaasadaysan, loogana dan leeyahay doorashooyin aan
Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Ciidamo Ku Biiraayaa Dagaalka Ka Dhanka Ah Alshabaab Tababar usoo Xiray(Sawiro)
Next articleAbiy ayaa shalay yiri: “Soomaaliya intii ay qarash badan ku bixin lahayd safarrada ay nagu dacweyneyso dugsi waxbarasho ha uga dhisto Muqdisho”