Home Wararka Maanta Xasan Shiikh oo Baaq u diray Israail iyo Falastiin Kadib Heshiikii Lagu...

Xasan Shiikh oo Baaq u diray Israail iyo Falastiin Kadib Heshiikii Lagu Dhawaaqay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bayaan kasoo saaray heshiiska xabbad-joojinta Gaza, kaasi oo ay gaareen Xamaas iyo Israel.

Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyay heshiiskan, isaga oo bogaadiyay dadaallada ay sameeyeen dalalka Qatar, Masar, iyo Mareykanka si loo xaqiijiyo heshiiskan.

Mudane Xasan ayaa ku baaqay in la isku keeno dadaallada caalamiga ah iyo kuwa gobolka si loo adkeeyo heshiiska xabbad-joojinta, islamarkaana loo dedejiyo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo ee degdegga ah ee shacabka ku nool Gaza, si loo yareeyo xaaladdooda adag ee bini’aadantinimo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaaliya ay had iyo jeer taageersan tahay nabadda, isaga oo ku baaqay in la helo xal cadaalad waara ah oo lagu dhisayo dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, si waafaqsan mabda’a laba dowladood.

Shalay ayey aheyd markii ay dowladda Qatar ku dhowaaqday in Israel iyo Xamaas ay ku heshiiyeen heshiis xabad-joojin ah oo ka kooban saddex weji, kaddib 15 bilood oo colaad ah.

Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa bartiisa bulshada ku shaaciyay: “Waxaan heshiis u helnay dadka afduubka loo haysto ee Bariga Dhexe. Dhawaan ayaa la sii deyn doonaa.”

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleCiidamada Amaanka Muqdisho oo Jaawaab Culus Ka bixiyay Weerarkii Habeen Hore ee Daarusalaam
Next articleSacuudiyaan Ka Dagaalama Buraaha Puntland iyo Halka Uu soo Maray Layaab noqotay