Home Wararka Maanta Xasan Shiikh Maxamuud oo Baarlamaanka Hortiisa kaga Hadlay Xiisada Ka Taagan Puntland

Xasan Shiikh Maxamuud oo Baarlamaanka Hortiisa kaga Hadlay Xiisada Ka Taagan Puntland

0

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay Kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda cakiran ee maamulka Puntland.

Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa kusoo hadal qaaday muranka hareeyay doorashada maamulkaas ee u dhexeeyo madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu la socdo dhiilo uu sheegay inay kasoo cusboonaatay Puntland, balse wuxuu ku baaqay inay laga wada-hadlo wax kasta oo khilaaf ah.

“Waxaan ka xunahay khilaafka dhiilada ah ee haatan ka muuqdo dowlad goboleedka Puntland, waxaana adkanaynaa baaqyada ah in wada-hadalka iyo isu dhagalugnaanta baaqyada waxgaradka ay yihiin xalka ugu haboon ee maanta jiri kara” ayuu yiri.

Sidoo kale, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dalbaday labada dhinac ee isku haya doorashada Puntland inay qaataan baaqyada waxgaradka, si loo qaboojiyo xiisadda.

“Hala dhageysto ayaan leenahay dadka waxgaradka ah ee markaa iyaga aan siyaasadda dan ka lahayn, laakiin danta Umadda deganaanshaha deegaanka ay u muuqato” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo Puntland oo ay ka taagan tahay hubanti la’aan ka dhalatay muranka hareeyay doorashooyinka.

Si kastaba, waxaa weli halkiisii ah khilaafka dowladda federaalka ah kala dhexeeya hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni, kaas saameyn ku yeeshay wada shaqeyntooda.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleQaramada Midoobay oo Ka Hadashay In Soomaaliya Ku Biirtay ururka Bulshada Bariga Africa ee EAC iyo Waxa ay ka Dhigantahay
Next articleGudoomiye aadan Madoobe oo shaaciyay tirada xildhibaanada uga dhaawacmay dagaalka Al-Shabaab