Home Wararka Maanta Xasan shiikh Maxamud oo dalka deg deg ugu soo laabtay kadib…

Xasan shiikh Maxamud oo dalka deg deg ugu soo laabtay kadib…

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa dib ugu laabtay Muqdisho, ka dib socdaal labo maalin ah oo uu ku tagay dalka Eritrea, isagoo ka codsaday dhigiisa Eritrea in uu hub siiyo Soomaaliya, kaas oo lagu hubeynayo qaar kamid ah ciidamada xoogga dalka.

Eritrea ayaa horey u tababartay 10 kun oo kamid ah askarta ciidamada xoogga dalka, kuwaas oo ay dhamman dib ugu celisay gudaha dalka, balse markii ay dib ugu laabteen dalka ayaa la kala diray, iyadoo uu si ba’an uga carooday madaxweynaha Eritrea.

Madaxweyne Xasan ayaa La filayaa Inuu dardar Galiyo Sida Ciidamada Xooga Dalka iyo Kuwa Galmudug Dib ugu Laaban Lahayeen Goobihii ay Dhawaan kasoo Baxeen kuwaas oo Maantay Qaaday howlgal Rogaal Celin ah.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Ciidamada Galmudug oo Dib Ula wareegay Mid ka mid ah goobihii Dhawaan laga Soo Baxay
Next articleDekada Muqdisho Oo Xirantay iyo Buuq Ka Taagan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here