Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa dib ugu laabtay Muqdisho, ka dib socdaal labo maalin ah oo uu ku tagay dalka Eritrea, isagoo ka codsaday dhigiisa Eritrea in uu hub siiyo Soomaaliya, kaas oo lagu hubeynayo qaar kamid ah ciidamada xoogga dalka.
Eritrea ayaa horey u tababartay 10 kun oo kamid ah askarta ciidamada xoogga dalka, kuwaas oo ay dhamman dib ugu celisay gudaha dalka, balse markii ay dib ugu laabteen dalka ayaa la kala diray, iyadoo uu si ba’an uga carooday madaxweynaha Eritrea.
Madaxweyne Xasan ayaa La filayaa Inuu dardar Galiyo Sida Ciidamada Xooga Dalka iyo Kuwa Galmudug Dib ugu Laaban Lahayeen Goobihii ay Dhawaan kasoo Baxeen kuwaas oo Maantay Qaaday howlgal Rogaal Celin ah.
Wararka ugu Danbeeyay ee Maanta
Ad