Madaxweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta hal goob isugu keenay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo maanta gaaray dalkaasi, wuxuuna noqonayaa kulankii labaad oo ay yeeshaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Muuse Biixi Cabdi.
Ujeedka kulanka ayaa ahaa dib usii amba qaadida wada-hadallada Dowladd Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo dheer hakad ku jiray.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dadaaladaasi awgeed Maanta uu tegay Djibouti, waxaana wehlinaya Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Ganacsiga ee DFS Mudane Jibriil Cabdirashiid iyo Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ah Ergeyga Gaarka ah ee wadahadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.
Dhanka Wafdiga Somaliland waxaa horkacaya Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaana qayb ka ah wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Mudane Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Aadan Buuxane iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa wefdiga Madaxweynaha.
Xiriirinta kulankan iyo qaban qaabadiisa waxaa lahaa madaxweyne Geelle oo labada nin la’ah saaxib, lana leh xiriir wanaagsan, sidoo kalena hadda ah Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD.
Si kastaba, madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland ayaa horay sidaan oo kale sanadkii hore ugu kulmay dalka Jabuuti, kadibna waxa ay ka wada qayb galeen meherka Xildhibaan Saadaq Joon iyo gabadha madaxweynaha dalkaasi, Haybado Ismaaciil Cumar Geelle.