Home Wararka Maanta Xasan Sheekh oo Gaaray Dalka Talyaaniga iyo ujeedka oo la shaaciyay

Xasan Sheekh oo Gaaray Dalka Talyaaniga iyo ujeedka oo la shaaciyay

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga si uu uga qeyb galo barnaamijka kaydinta nidaamka cuntada ee Qaramada Midoobay oo ka dhacaya xarunta dhexe ee hay’adda FAO 24-ka ilaa 26-ka bishan July.

Inta lagu guda jiro kulanka heerka sare ah ee saddexda maalmood ah, wadamada ka qeyb galayaa waxay dib u eegis ku sameyn doonaan horumarka laga gaaray ballanqaadyadii ku aaddanaa waxqabadkii lagu dejiyay Shirweynihii ugu horreeyay ee Nidaamyada Cuntada ee 2021. Ujeeddadu waa in la ogaado guulaha la gaaray, wax ka qabashada caqabadaha socda, iyo mudnaanta mustaqbalka.

Marka laga soo tago ka qeybgalka munaasabadda Qaramada Midoobay, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweyne Maxamuud uu sidoo kale ka qeybgali doono shirar kale oo ka dhacaya magaalada Rome oo ay ka mid yihiin shir saddex geesood ah oo dhexmari doona dowladdaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Talyaaniga.

Arbacadii, Rome waxay martigelisay shirweynaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay ee Geeska Afrika, halkaas oo dawladda Talyaanigu ay kaga hadashay sidii ay gobolka uga caawin lahayd caqabadaha sida abaarta sii kordheysa ee welwelka leh.

Iyada oo qayb ka ah dadaalladeeda gargaar, Talyaanigu wuxuu ballan-qaaday inuu €40 milyan ugu deeqayo Qorshaha Ka-jawaabista Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay (HRP) wuxuuna u qoondeeyay €30 milyan oo dheeraad ah waxqabadyada bani’aadamnimada iyo dadaallada horumarinta.

Soomaaliya ayaa waxaa soo food saartay macluul aad u daran, iyadoo dalka uu halakeeyay abaarta ba’an ee ka jirta Geeska Afrika. Wadar dhan 6.5 milyan oo qof ayaa soo food saartay cunto yari ba’an iyadoo ay jirto xaaladdii ugu adkeyd muddo 40 sano ah. Abaartu waxay sii kordhinaysaa jahawareerka cimilada kale ee soo noqnoqda, nabad-gelyo-xumo joogto ah iyo xasillooni-darro.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Latimid Qorshe Cajiib ah oo Alshabaab Dhabar jab Ku ah
Next articleWAR DEG DEG AH:Ciidamada Danab oo Weerar Culus ku Qaaday Alshabaab Ku Sugnaa Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here