Madaxweynaya Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyey doorkii uu madaxweynaha Jabuuti ku lahaa wadahadalladii dalkiisa ay ku yeesheen Soomaaliya iyo Somaliland.
“Odageena Ismaaciil Cumar Geelle wax uu nagu darsaday iyo waxuu naga bi’iyey ma jirine, gogol ayuu noo dhigay, kadibna fursad ayuu nasiiyey, war bal wadahadla ayuu na yiri, ma mudna hadallada dadka qaar ay maanta meelaha ka sheegsheegayaan, waxaba nooma dhibin Ismaaciil,” ayuu yiri.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in caalamka ay ka jirto shuruuc lagu wada dhaqmo, balse wax yaabaha la iska warsado ama la isisiiyo uusan dhul ku jirin, “Ninkii xoog wax ku raadinaa waa gooni, laakiin dunida dhul ka isma weydiisto,” ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday dalalka taageeray Soomaaliya iyo kuwa la tuhmayo inay Itoobiya ku taageerayaan damaceeda, wuxuuna ugu horeyn u mahad celiyey dowladaha taageeray Soomaaliya, isagoo balan qaaday in dadka Soomaaliyeed ay gudi doonaan abaalkii la gashto.
“Dowladaha weli aamusan ee meelaha ku gambanaya waxaan leeyahay walaalayaal, Soomaaliya unbaa isku xumaa kartaane, dal kale dhulkeena ma sii kartaan, kumana taageeri kartaan, dhulkaan Soomaaliya waligeed waa la haaneysaa, cid xoog uga qaada kartana ma jirto,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.
Ugu dambeyntii madaxweyanaha ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay midnimo iyo wadajir, “cabsida aan kala qabno aan meesha ka saarno walaalayaal, waan wada dhalanay, waxabana iskama aanaan bi’in dhul, dhalasho, dhaqan iyo diin ayaan naga dhexeeya walaalayaal,” ayuu yiri Xasan Sheekh.