Home Wararka Maanta Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Xooga oo khilaaf Culus ka Dhex Qarxay

Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Xooga oo khilaaf Culus ka Dhex Qarxay

0

Khilaaf culus oo saameyn ku yeeshay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka dhex qarxay wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha xooga Ibraahim Sheekh Muxudiin, kaas oo salka ku haya shuruucda wasaaradda.

Sida ay ogaatay Mudug24, wasiirka gaashaandhigga ayaa diyaariyey sharci la doonayo in la hor geeyo baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ku saabsan doorka wasiirka ee maamulka ciidanka xoogga dalka.

Khilaafka ayaa cirka isku shareeray markii Taliyaha ciidanka xoogga dalka uu Wasiirka gaashaandhigga ka diiday inuu saxiixo sharciga uu soo diyaariyey, si loo horgeeyo baarlamaanka oo ay u ansixiyaan.

Hadaba muxuu diidan yahay Taliyaha xoogga oo sharcigaas ku jira?

Caasimada Online waxay ogaatay in sharcigaas uu dhigayo in wasiirka gaashaandhigga uu shaqada ka jooji karo taliyaha xoogga, halka hadda uu awoodaas leeyahay madaxweynaha oo kaliya oo wasiirku uusan bedeli karin shaqadana ka jooji karin Taliyaha.

Sidoo kale sharciga la isku khilaafay ee wasiirka gaashaandhigga uu soo diyaariyey wuxuu dhigayaa in taliyaasha qeybaha iyo guutooyinka xoogga dalka aan lagu bedeli karin amar aan aheyn kan wasiirka.

Sharcigaas wuxuu sidoo kale dhigayaa in miisaaniyadda uu isticnaalo taliska ciidanka xoogga dalka si rasmi ah loo soo marsiiyo wasiirka gaashaandhigga, sida saadka ciidamada oo hadda ka madax-banaan wasaaradda gaashaandhigga.

Nuqulada uu dhibsaday Taliska xoogga dalka ee ku jira sharciga waxaa ka mid ah in xulashada iyo soo jeedinta qofka loo magacaabayo Taliyaha ciidanka xoogga dalka uu yeelanayo wasiirka gaashaandhigga.

Qodobadaas iyo kuwo kale oo xasaasi ah ayaa ku jira sharciga uu soo diyaariyey wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, balse taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa ku gacan-seyray oo diiday inuu saxiixo sharciga, si loogu gudbiyo baarlamaanka.

Hadda, dhammaan qodobadaas waa ka madax-banaan yahay taliyaha ciidanka xoogga dalka, wuxuuna toos uga amar qaataa madaxweynaha dalka.

Wasiirka gaashaandhigga awood uma lahan inuu shaqada ka joojiyo taliyaha ciidanka xoogga dalka, sidoo kale taliyaha xoogga wuxuu magacaabidda taliyaasha qeybaha iyo guutooyinka kala tashadaa madaxweynaha Jamhuuriyadda, wasiirkuna wax go’aan ah kuma lahan howlaha taliska xoogga dalka.

Dhammaan qodobada ku jira heshiiskaas waa isku fahmi waayeen wasaaradda iyo taliska hoos taga ee xoogga dalka, xogta ay heshay Caasimada Online waxay sheegeysaa in toddobaadkii hore arrintaan loo xil-saaray guddi gaar ah, waana ku fashilmay guddigaas inuu sameeyo wax un isku soo dhawaasho ah.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa aad u daneynaya in Taliyaha xoogga uu saxiixo sharciga, si loogu gudbiyo golayaasha wasiirada iyo baarlamaanka, si loo ansixiyo, balse Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa si cad u diiday inuu saxiixo sharcigaan awooda badan siinaya wasiirka.

Sababta uu Taliyuhu u diiday inuu saxiixo sharcigaas ayaa ah in awooda taliska ciidanka xoogga dalka ay baaba’ayso, iyadoo gacanta u geleysa wasiirka gaashaandhigga, taliyuhuna uu noqonayo ‘magac-uyaal kursiga isaga fadhiya.’

Qadiyada khilaafkaan waxaa la sheegay inuu gaaray hey’adaha kale ee dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee taageera taliska ciidanka xoogga dalka, sidoo kale dacwado ku saabsan arrintaan ayaa gaartay madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana macquul ah in Taliyaha iyo Wasiirka uu midkood khilaafkaan xilkiisa ku waayo.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Itoobiya oo wajaheysa culeys aysan filayn kadib tallaabo culus oo uu caalamka qaaday
Next articleXasan Sheekh Maxamuud oo shaaciyey doorkii uu madaxweynaha Jabuuti ku lahaa wadahadalladii dalkiisa ay ku yeesheen Soomaaliya iyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here