Home Wararka Maanta Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay in Soomaaliya Laga qaado Cunaqabataynta Hubka...

Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay in Soomaaliya Laga qaado Cunaqabataynta Hubka oo In Ka badan 30 sano Saarnaaa

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo u codeeyay in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, kadib 31 sano oo dalkaan ay saareyd cunaqabateyntaas.

Ugu horreyn madaxweynaha ayaa ka warbixiyay dadaalka ay dowladda ku bixisay in la qaado cunaqabateynta hubka, faa’iidada ay u leedahay dowladnimada iyo halganka xoreynta dalka.

Sidoo kale  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan  cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.

“Dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan ugu bishaareeyo sanadka 32-aad in aysan cunaqabateyn hubkanina saarneen, maanta dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan u sheego dalka Soomaaliya dhammaan cunaqabateynta hubka waa laga qaaday,” sida uu yiri.

Madaxweynaha ayaa xusay in haatan wixii ka dambeeyay ay Soomaaliya xor u tahay inay soo iibsato inta awood u leedahay hubka ay u baahan tahay, lana macaamileysa caalamka.

“Dalkeena maanta waxa uu xor u yahay intii awoodeenu ay la’egtahay hubkii aan rabno in aan soo iibsanno, oo caalamka aan ka soo iibsanno.” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Waxaa kale oo uu ka hadlay fursadaha ay Soomaaliya haysato, isaga oo xusay in caalamka ay weydiisan karaan inuu ka taageero hubka ay u baahan yihiin.

“Waxaa maanta fursad u haysannaa dalalka na kaalmeenaya ee saaxiibada nala ah ee walaalaha ah, hubkasta oo aan waydiisanno in ay na siin karaan.” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda ay ku ad-adkaan doonto xakameynta hubka iyo khulkhulkiisa , isaga oo hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u dajisay shuruuc gaar ah.

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleGolaha Ammaanka QM oo cunaqabatayntii hubka ka qaaday Somalia iyo Faaidada Soomaaliya Ugu Jirta
Next articleMareykanka oo shuruudo dagaal hordhigay Israa’iil