Home Wararka Maanta Mareykanka oo shuruudo dagaal hordhigay Israa’iil

Mareykanka oo shuruudo dagaal hordhigay Israa’iil

0

Xabbad-joojintii muddada kooban waxay ahayd guul diblomaasiyadeed. Haatanse, kaddib toddoba casho oo ay hakad ku jirtay, Israa’iil iyo Xamaas ayaa wajahaya caqabaddii ugu weyneyd ee militari iyo siyaasadeed.

Xamaas, iyadu waa u dagaal si ay u badbaaddo. Intiiba dagaalyahan ka tirsan Xamaas uu gantaal ku tuuri karo gudaha Israa’iil waxay u tahay inaan laga adkaan karin.

Mareykanka ayaa kaddib markay dhammaatay xabbad-joojinta Israa’iil u diray shuruudo ku aaddan dagaalka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ku celiyay sida Mareykanku uga go’an tahay taageerada Israa’iil, mar kalena wuxuu cambaareyn u jeediyay Xamaas.

Mr Blinken ayaa ku celiyay sida uu ugu adkeysanayo “in Israa’iil ay tahay inbay raacdo shuruucda bani’aadannimo ee caalamiga ah iyo qawaaniinta dagaalka, xitaa marka ay la dagaallameyso urur argagixiso oo aan intaba xeerineyn”.

Kaddib wuxuu Mr Blinken carrabaabay sida ay tahay inay Israa’iil u dagaallanto.

Wuxuu sheegay inay tahay in Israa’iil ay qaaddo tallaabooyin wxa ku ool ah oo lagu dhowrayo nolosha rayidka, iyadoo u qoondeyneysa deegaanno ku yaalla koofurta iyo bartamaha Gaza oo ay nabad ku heli karaan.

Ad
Previous articleXasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay in Soomaaliya Laga qaado Cunaqabataynta Hubka oo In Ka badan 30 sano Saarnaaa
Next articleP.M Xamse Barre oo Sheegay in ciidanka Xoogga hub casri ah lagu qalabeenayo Xili Soomaaliya Laga Qaaday Cunuqabataynta Hubka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here