Home Wararka Maanta Xasan Nasrallah ayaa weerarrada Xisbullah ee ka dhanka ah Israa’iil ku tilmaamay...

Xasan Nasrallah ayaa weerarrada Xisbullah ee ka dhanka ah Israa’iil ku tilmaamay ” garab istaag “

0

Hoggaamiyaha Xisbullah ee Lubnaan, Xasan Nasrallah, ayaa sheegay in ururkiisu xoojiyey weerarrada ka dhanka ah Israa’iil todobaadkii la soo dhaafay, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in weerarrada ka imaanaya koonfurta Lubnaan ay sii socon doonaan, isagoo ku sifeeyay inay yihiin garab istaag.

Israa’iil iyo Xisbullah ayaa in ka badan hal bil waxa ay rasaas isku weydaarsanayeen ku dhawaad ​​maalin kasta xadka ay wadaagaan, balse inta badan duqeymaha ayaa lagu bartilmaameedsadaa goobaha ciidamada iyo goobaha furan.

Khudbadii ugu horeysay ee uu jeediyay todobaadkii hore ayuu Nasrallah ku sheegay in Xisbullah ay ku filan tahay caawinta Xamaas ee Gaza, iyadoo ciidamada Isra’iil uu aag kale kaga furan yahay xuduudka waqooyi ee dalkaasi.

Kuwa filayey in hoggaamiyaha Xisbullah uu ku dhawaaqo xaalad kasta oo soo korortay, Nasrullah ayaa maanta kaga jawaabay isagoo leh, “Ficillada dhulka ka dhacaya iyagaa iska hadli doona.

Nasrallah oo khudbad ka jeediyay taleefishinka ayaa sidoo kale ka hadlay weerarradii ugu dambeeyay ee ay kooxaha hubeysan ku qaadeen saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq iyo Suuriya, iyo sidoo kale weerarada Xuutiyiinta Yemen.

Sida Xisbullah, kooxahani waa qayb ka mid ah waxa loogu yeero kooxaha wax iska caabinta ee isbahaysiga gobolka ee ay taageerto Iran.

Ad
Previous articleIn ka badan 300,000 oo dibad-baxayaal taageersan Falastiin oo Halmar Landan isugu Soo Baxay iyo Siyaasiinta UK oo laba ukala Jabay
Next articleBarakac Xoogan oo kasocda Degmada Afgooye kadib Markiii..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here