Home Wararka Maanta Xanuunka 72 da qof ku dilay Soomaaliya ee ay ka digeyso dawladdu

Xanuunka 72 da qof ku dilay Soomaaliya ee ay ka digeyso dawladdu

0

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in xanuunka dacuunka uu ka dilaacay qaar ka mid ah gobolada Soomaaliya, isaga oo haleelay dhawr kun oo ruux.

72 qof ayay sheegtay dawladda Soomaaliya in ay u geeriyoodeen xanuunka oo ka dilaacay inta badan gobolada Soomaaliya.

Magaaladda Boosaaso ayay sheegtay wasaaraddu in ay tahay meesha ugu badan ee dadku ugu dhinteen daacuunka.

Sida uu BBC da u sheegay agaasimaha waaxda caafimaadka guud ee wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya, Mukhtaar Cabdi Shube, xanuunkaan ayaa waxa uu saameyay ilaa lix kun oo qof dalka oo dhan.

“Waxa uu saameeyay ilaa iyo saddex aag; kuwa caasimadda ee meelaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah – kuwaas ayaa ah meelaha ugu badan ee uu sameeyay. Sidoo kale waxa uu saameeyay Afgooye, Buurhakaba, Qoryooleey oo ah Koonfur-Galbeed,” ayuu yiri Mukhtaar oo la hadlayay BBC da.

Meelaha kale ee uu saameeyay ayaa axa kale oo ku sheegay agaasimuhu in ay ka mid yihiin deegaanaa dawlad goboleedka Jubbaland, sida Kismaayo iyo Baladxaawo.

Dawlad goboleedka Hirshabeelle ayuu sheegay in uu saameeyay magaalooyinka kala ah Jowhar, Mahadaay iyo Baladweyne. Magaalooyinkaas ayaa ah kuwa dadka ugu badan ee gobolkaas ay degan yihiin.

Dawlad goboleedka Puntland ayay wasaaraddu sheegtay in sidoo kale uu saameeyay daacuunku, iyada oo labada magaalo ee Garowe iyo Boosaaso yihiin meelaha uu dadka degan qaarkood soo ritay xanuunku.

Dhanka kale warbixin ay soo saartay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa waxay sheegeysaa in ugu 60 qof ay u dhinteen xanuunka, kumanaan kiis oo xanuunka la xiriirana ay jiraan.

“Waxaa jira koror aad u badan oo la xariira kiisaska xanuunka daacuunka saddexdii bilood ee la soo dhaafay. 1.2 boqolkiiba ayay dhimashada uu sababo kor u kacday”, ayay tiri hay’adda Qaramada Midoobay sida lagu daabacay warbixinteedii ugu dambeeysay ee ay ka sameyso Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in 51 boqolkiiba dadka xanuunku ku dhacay ay ahaayeen haween, taas oo sida ay sheegeen muujineysa in haweenku si gaar ah ugu nugul yihiin daacuunka.

Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka Addunka ee WHO, kiisas cusub ee haatan la soo tabiyay ayaa waxay saddex jeer ka sareeyaan celceliska kiisaskii la soo tabiyay saddexdii sano ee la soo dhaafay isla xilligaan oo kale.

UNICEf ayaa waxay sheegtay in 3,054 kiis oo ka mid kiisaska la soo tabiyay ay marayaan xaalad caafimaad darro oo aad u daran.

Maxaa sababay daacuunka?

Sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay Qaramada Midoobay faafinta xanuunka daacuunka ayaa waxaa sababta ugu wayn ay tahay daadadkii xoogaana ee ay sababtay musiibadii Elnino oo ku dhafatay inta badan deegaanada Soomaalida.

Elnino ayaa waxay sababtay dhamaadkii sanadkii 2023 dii dhimashada ilaa 118 ruux, halka ay barakaceen ila 1.3 milyan oo ruux.

Biyo wasaqaysan iyo cunto ay cuneen dadka ayaa lagu sheegay warbixinta in ay tahay waxa aad u badiyay in uu faafo cudurka, oo ah mid aad ugu soo noqnoqda deegaanada Soomaalida.

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in wali socdaan kiisaska la xariira xanuunkaan ee ay helasyo xanuunkaan.

Agaasimaha waaxda caafimaadka ayaa waxa uu sheegay in uu qorsheynayaa in goobaha ugu daran ee uu ku dilaacay xanuunka ay ka furaan xarumo lagula tacaalo dadka, iyaga oo diyaarinaya shaqaalihii caafimaadka ee ka hawlgali lahaa.

Waxa uu intaas ku daráy gudaha dalka ay haatan keeneen ilaa iyo 1.4 milyan oo xabo oo ah tallaalka xanuunka daacuunka, si ka hortag loogu sameeyo kuwa uusan wali haleelin xanuunku.

Ad
Previous articleXagee ka bilaabatay saaxiibtinimada Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad ee madaxweynuhu ku faanay?
Next articleDalka horay u mamnuucay TikTok iyo PUBG Haddana mamnuucaya Facebook iyo sababta keentay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here